1:27 pm - Wednesday June 28, 2017

Milan Oo God Madow Ku Sii Riday Rajadii Livorno

Aidarous

Mario Balotelli ayaa u dabaal degay 50 kulan guuraddii uu Milan u Saftay isla markaana goola Furitaanka u dhalliyey guushii 3-0 ka ahayd ee ay caawa ka gaadheen kooxda gunta u sii dhaadhacaysa ee Livorno.

Adel Taarabt iyo Giampaolo Pazzini ayaa ku biiray Balotelli dhinaca gool dhalinta ahaana ciyaaryahanada labada gool ee kale u dhaliyey Ac Milan ciyaartan ay ku dubatay kooxda Martida ku ahayd San Siro ee Livorno.

Guushan ay Milan gaadhay caawa ayaa ka dhigaysa guushii shanaad oo xidhiidh ah horyaalka Talyaaniga, siina siyaadinaysa rajada Milan ka qabto ka qayb gallka horyaalka Europa League ee sanadka dambe , isla markaana hoos u sii dhigaysa cadaadiskii saarnaa tababare Clarence Seedorf oo indhawaydba la isla dhex marayay in sanadka dhamaadkiisa kooxdu bedelkiisa raadsan doonto.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Ingiriiska Oo Ku Dhex Sirkhaamay Garoon Uu Ciyaar Ku Daawanayay

Sherwood: Sandro Kuma Soo Baxayo Tottenham Ee Meel Kale Ha Raadsado

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: