Milicsiga ciyaarta Chelsea vs Tottenham ee Faynalka League Cup

Garoonka Wembley ayay ka dhici doontaa ciyaarta Faynalka League Cup ee maanta dhex mari doonta Chelsea iyo Tottenham oo la mid ah faynalkii 2007-08 ee ay isaga hor yimaaddeen labadan kooxood oo ay kala wateen labadii tababare ee Juande Ramos iyo Avram Grant, taas oo ay guushu raacday Tottenham.

Guul-darradaas ayaa keentay in shaqada laga caydhiyo Grant bishii May, laakiin Juande Ramos laf-ahaantiisu wax badan kama uu sii dambaynin, waxaana shaqada lagay eryey bishii October ee isla sannadkaas iyadoo lagu beddelay Daniel Levy.

Ciyaartan ka dhacaysa garoonka Wembley oo uu dhexdhexaadin doono garsoore A Taylor, ayaa waxa farxad ku naalloonaysa Chelsea oo aanay jirin cid dhaawac kaga maqan marka laga reebo Mikel oo jilibka ka dhaawacan. Waxa kaliya oo Jose Mourinho ka maqan Matic oo ku maqnaan doona ganaaxa ciyaarta koowaad ee laba kulan oo ciyaaraha laga mamnuucay.

Chelsea lixdii ciyaarood ee ugu dambaysay waxay badisay saddex kulan saddex kalena waa ay barbaraysay.

Dhinaca Tottenham si weyn ayay diyaar ugu tahay kulanka, iyadoo aanay jirin ciyaartooyo kaga maqnaan doona dhaawac iyo ganaax toona, laakiin lixdii ciyaarood ee ugu dambaysay, waxay Tottenham badisay laba, laba kalena waa laga badiyey halka ay labada kulan ee kalena barbar dhac gashay.

Shaxda la filayo in ay ku ciyaaraan labada kooxood:

Shaxda

Shaxda

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Garsoore Kaadh Casaan Ah Ku Khal-khalay Ciyaar United Derdertay Sunderland

Van Gaal Oo Ku Hamiyeya in uu wakhti Dheer Sii Joogo Manchester United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com