11:42 pm - Thursday July 27, 2017

Minnesota: Haween Tacaddiyo Galmo Lagula Kacay Oo Diiday Inay Ciyaaraan

Abdiwahab Ahmed

Xulka kubadda cagta Maraykanka ee jaamacadda Minnesota ayaa sheegay in aanay wax ciyaaro ah ka qaybqaadan doonin ka dib markii ciyaaraha laga joojiyay 10 ka mid ah ciyaaryahannadooda oo lagu eedeeyay in ay gaysteen tacaddi galmo la xidhiidha.

Dhamaan xubnihii kooxda ayaa sheegay in ay mudaaharaadka sii wadi doonaan tan iyo inta ay jaamacadda ka helayaan jawaab waafi ah oo eedayntan la xidhiidha.

Jaamacadda ayaa todobaadkan ciyaaryahannada ka mamnuucday ciyaaraha ka dib markii ay baadhitaan samaysay balse ma aanay soo bandhigin sababihii ay jaamacaddu u qaadatay go’aamadaas.

Mar hore ayay booliisku diideen in ay xidhxidhaan ama dacwad ku soo oogaan ciyaaaryahanada lagu eedeeyay in ay haweenay tacadi u gaysteen bishii sagaalaad ee sanadkan.

Haweenayda ayaa booliiska u sheegtay in iyada oo cabsan ay rag badan tacadi ugu gaysteen guri ka baxsan dhismaha jaamacadda.

Qaar ka mid ah ciyaaryahannada ayaana sheegay in ay gabadha la seexdeen balse ay ogolaansho ka heleen iyada.

Kooxda Minnesota ayaa hadda sheegay in aanay meesha ka saaraynin inay ka baaqdaan ciyaarta ay 27 bishan la yeelan lahaayeen xulka Washington State.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Juan Mata Oo U Sheegay Mourinho In Uu Ka Ciyaari Karayo Booskii Mkhitaryan

Zidane Oo Barbarreeyey Rikoodh U Yaallay Capello

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: