Miyuu Kylian Mbappe Ka Wanaagsan Yahay Ronaldo Iyo Messi? – Ka Bogo Xogta Waayahoodii Dhallinyarenimo Iyo Sida Mbappe Ugu Garaacay Tirooyinka

Wakhti kooban kahor dunida kubadda cagta ayaa la yaabanayd shaqsiga heerka ugu sarreeya ee kubadda ka bedeli doona xiddigaha 10-kii sano ee ugu dambeeyay kasoo talinayay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, Jawaabtan ayaa u muuqatay kaddib soo if-bixitaankii xiddigo badan balse haddana gadaal ayay ka fashilmeen xiddigahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Jawaabtan ayaa u muuqata mid haatan timid wakhti ka horeeya midkii la filayay iyadoo Kylian Mbappe, Xiddiga xulka qaranka France iyo kooxda Paris Saint-Germain  uu u muuqdo mid leh waxkasta oo looga baahan yahay si uu u noqdo boqorka xiga ee kubadda cagta.

Haddaba, Isagoo jiraya kaliya da’da 19 sano Kylian Mbappe ayaa jabiyay saddex rekoodh oo waaweyn marka lala bar-bardhigo wakhtigii ay Cristiano Ronaldo iyo Kylian Mbappe marayeen da’diisa haatan.

F.G: Saddexdan rekoodh ayaa ah kuwo dhinaca gool dhalinta ah, Xogtan ayaana cadayn u ah in Mbappe uu da’da 19-ka ka gool dhalin fiican yahay Leo iyo Ronaldo oo haatan loo aqoonsan yahay mashiinada goolasha kuwooda ugu waaweyn ee kubadda cagta dunida.

Goolashan ayaa kala ah goolasha ay saddexda ciyaartoy ku dhaliyeen da’da 19-ka ee uu Mbappe haatan taagan yahay iyadoo loo kala saarayo goolasha ay kooxaha u dhaliyeen guud ahaan, Si lamid ah goolashooda guud ahaaneed ee xulalka qaranka ee da’daas iyo goolasha Champions League ee ay isla da’daas ku dhaliyeen.

Goolasha heer kooxeed:

Kylian Mbappe – 52 Gool

Leo Messi – 25 Gool

Cristiano Ronaldo – 17 Gool

Goolasha UEFA Champions League:

Kylian Mbappe – 10 gool

Leo Messi – 2 gool

Cristiano Ronaldo – 0 Gool

Goolasha heer qaran:

Kylian Mbappe – 9 gool

Cristiano Ronaldo – 7 gool

Leo Messi – 4 gool

Si kastaba ha ahaatee, Waxa hubanti ah in haddii wiilka dahabiga ah ee reer France uu qaabkan kusii socdo uu dhaafi doono rekoodhada gool dhalinta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo shaqsiyaad badani qabaan inay yihiin rekoodho mudo dheer ka ooli doona garoomada kubadda cagta.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.