‘Mo Farah Maaha Yurubiyaan Guushiisuna Waa Mid Uu Ka Gaadhay Somalia’

Fabian Roncero: “Orodkii Somaliya ayaad ku guuleysatay” Orodyahan Reer Spain Ah oo Si Cunsiyadnimo Leh Uga Jawaabay Gushii Mo FarahMo Farah

Fabian Roncero waxa uu Mo Farah ku yidhi ‘Rikoodhka aad jebisay waa kii Somalia” Orodyahanka reer Spain ee Fabian Roncero ayaa jawaab layaab leh oo cunsiyad ku dheehan tahay ka bixiyey guul uu orodyahanka Somaliga ah ee Mo Farah ka gaadhay orodka loo yaqaano Half-Marathon oo Axaddii uu rikoodh cusub u dhigay Mo Farah.

Fabian Roncero oo hore u haystay rikoodhka orodkan uu Mo Farah jebiyey oo ay warbaahintu wax ka weydiisay dareenkiisa ku aaddan rikoodhka laga jebiyey ayaa waxa uu sheegay in rikoodhkaas uu jebiyey uu yahay ku u yaallay Somalia.

Fabian Roncero oo haystay tartanka orodka Yurub ee 13.1 Mile, ayuu Mo Farah ku orday 59 daqiiqadood iyo 32 ilbidhiqsi, waxaanay tiradaasi 20 ilbidhiqsi ka yartahay intii uu Fabian ku orday.Mo Farah oo

Fabian Roncero oo ka hadlayay dareenkiisa, ayaa waxa uu yidhi: “Inkasta oo saraakiishu ay yidhaahdeen Mo Farah wuxuu haystaa rikoodhka half-Marathon, haddana aniga waxay ila tahay in ninka haysta rikoodhka 800 mitir ee Yurub uu yahay Sebastian Coe, orodka 1500 mitirna waxa haysta Fermin Cacho, 5,000 mitir waxa haysta Dieter Baumann iyo 10,000 mitir oo uu haysto Antonio Pinto” sidaas ayuu yidhi.

Fabian waxa kale oo uu intaa raaciyey: “Waxay ila tahay orodyahan ku dhashay Kenya, in uu yahay Kenyan, ka ku dhashay Somalia in uu waligiiba ahaanayo Somali, waxaana fikirkan ila wadaaga dadkii aan la hadlay.” Ayuu yidhi.

Fabian waxa uu sheegay in aanay 95 boqolkiiba aanay ciyaartooyadu ka guuri Karin waddankii ay asal ahaan u dhasheen, waxaanu yidhi: “Sidoo kale, waxa aan ku qanacsanahay in 95% ciyaartoygu uu dareemayo in uu muwaaddin u yahay waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo”.

Mo Farah oo haysta labada orod ee 5,000m iyo 10,000m ayaa ku dhashay Somaliya laakiin wuxuu tegay Britain isagoo ay da’diisu tahay 8 jir ah.

Mo Farah oo uu cunsuriyadeeyey Fabian Roncero

Fabian Roncero

Bishii hore ayuu Mo Farah jawaab cadho leh ka bixiyey hadal uu yidhi ninka ay isku waddanka yihiin ee Andy Vernon oo wakhti ay ku sugnaayeen magaalada Zurich oo ay kaga qayb gelayaan orodka Champions-ka ee Yurub kaas oo shaki geliyey muwaadinnimada Farah, waxaanu wakhtigaas Mo kaga jawaabay: “Waan jecelahay in aan u tartamo waddankayga.”

Roncero oo ay da’diisu tahay 44 jir ayaa waxa uu tababare u yahay da’yarta Spain oo uu ku tababaro Cantabria, waxaanu ku tilmaamay Mo Farah in uu yahay Afrikan sidaa daraadeedna ay orodyahannada ka soo jeeda Afrika ay orodka dheer kaga wanaagsan yihiin ciyaartooyada Yurub. Laakiin, dhinaca kale waxa uu ku adkaystay in rikoodhkiisa aanu Mo Farah jebinin.

“Kama soo horjeedo Afrikanka” sidaas waxa mar kale yidhi Fabian oo u warramay wargeyska Marca, waxaanu intaa raaciyey: “Taas beddelkeeda, waxa aan qirayaa in ay kuwa Yurub ka sarreeyaan, laakiin waa in la ixtiraamo rikoodhada, waxa aan idiin sheegayaa waa dareenkayga, waligayna been sheegi mayo. Farah waa orodyahan wanaagsan laakiin rikoodhada Yurub waa kuwo ay reer Yurub dhigteen.” Sidaas ayuu yidhi.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Gareth Bale Oo Taageerayaal Cadhaysani Weerareen

Kooxda Riyada Ee Kaka Oo Laga Waayey Messi Iyo 2 Ronaldo + Zidane Ka Dhex Muuqdaan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com