Mo Farah Oo Difaacay Caafimaad-qabkiisa

Mo Farah iyo Xasan

Orodyahanka Mo Farah ayaa ku adkaystay in aanay jirin wax dhibaato ah ama daawooyin awoodda kordhiya ah oo uu isticmaalay.

Warbixin ay daabaceen warbaahinta waddanka Ruushka oo jabsatay macluumaadka ciyaartooyada in ka badan 10 waddan, ayaa waxay ku soo bandhigeen 26 ciyaaryahan oo qaata daawooyinka mabnuuca ah ee awoodda jidhka kordhiya, waxaana dadkaas ka mid noqday Mo Farah oo ay tibaaxeen in laba jeer uu qaatay daawooyinka magacooda loo soo gaabiyo TUE.

Arrintan ay Ruushku soo bandhigeen waxay ka hor imanaysaa baadhitaan hore oo Mo Farah lagu sameeyey bishii June ee sannadkii hore, markaas oo uu ku dooday in hal mar oo kaliya uu qaatay dawadaas intii uu xirfadda orodka ku jiray.

Haddaba, Mo Farah ayaa afhayeen u hadlay Isniintii waxa uu sheegay in sidii horeba ay u sheegeen aanu jirin wax uu qarinayo Mo Farah, eedaynta Ruushkana aanay waxba ka jirin.

Afhayeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Anigoo ku hadlaya afka Mo Farah, sidii aanu horeba u tibaaxnay, ma jiro wax uu qarinaya. Mushkilad la xidhiidha ADAM (Maamulka la dagaallanka maan-dooriyeyaasha ‘dawooyinka awoodda kordhiya’) lama shaacinin. Wargeyska Sunday Times ayuu sannadkii hore baadhitaannada caafimaadkiisa u gudbiyey oo daabacay.”

 

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Caafimaadka Mo waa lala socdaa sida dhamaan ciyaartooyada kale ee British-ka, intii uu orodka ku jirayna laba jeer ayuu qaatay TUEs-ka. Markii u horreysay waxay ahayd sannadkii 2008 oo uu u qaatay dhaawacyo darteed. Markii labaadna waxay ahayd sannadkii 2014 markii uu Mo Farah suuxay ee cisbitaalka loola caray, waxaana loo siiyey xanuun baabi’in”

TUEs waa daawooyin mabnuuc ka ah ciyaartooyada, kaliyana ay u qaadan karaan baahi caafimaad oo sharci ah.

Farah ayaa mar walba si adag isaga difaaca eedaymaha la xidhiidha in uu daawooyinka jidhka awoodda siiya isticmaalo, waxaana isaga oo joogay Rio bishii hore uu tibaaxay in uu daacad yahay, laakiin ay warbaahinta qaarkeed neceb yihiin oo ay waxyaabo xun ka qoraan.

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Siduu U Dhintay Ciyaartoy Reer Iran Ah Oo Brazil Ku Naf-waayey

Ciyaaraha Caawa Ee Shabakadda CADALOOL ay tooska u baahin doonto

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com