Mo Farah: Tartan Lagu Furi Lahaa Garoonka Uu Ka Dhisay Gabiley Oo Baaqday

Tartankii Kubada Cagta ee loogu tagalay in lagu daah-furo Garoonka Kubada Cagta ee Mo Faarax ee Magaalada Gabiley, oo ay ka soo qayb gali lahaayeen Kooxaha Kubada Cagta Dawladdaha hoose ee dalka, oo lagu tagalay inuu dhaco horaantii bishii tobonaad ee aynu ka soo gudubnay, ayaa u baaqday Ololihii Xisbiyada iyo Doorashadii Madaxtooyada dartood.

Sidaas oo ay tahay Tartankan ayaa la sheegay wakhtigaas in la qaban doono Doorashada kadib, balse ilaa hadda lama qaban cid hadal haysana ma jirto, qaban-qaabadiisuna ma muuqato, in la qabanayo iyo in la iska daynayana ilaa hadda ma cada.

Haddaba Tartankan oo loogu tagalay in lagu daah-furo Garoonka Mo Faarax ee Gabiley oo si casriya loo dhisay, ayaa kadib markii uu tartanku baaqday waxa si rasmiya u furay Madaxweynaha taladda dalka ka sii dagaya ee Axmed Siillaanyo.

Dhinaca kale Tartankan ayaa waxa ka qayb gali lahaa Kooxaha Dawladdaha hoose ee dalka, marka laga reebo kooxda Dawladda hoose ee Burco, oo sababo u gaar ah uga baaqday, sidaas darteed waxa bedelkeedii lagu bedelay kooxda Duulista Hawada Hargeysa, oo iyana lafteedu ka soo gashay booskii Kooxda Goodir oo markii hore loogu tagalay inay tartankan ka qayb galaan madaama ay kooxdaas Burco baaqatay madaama koobkii Kooxaha heerka kowaad ee Caasimadda ku guulaysteen balse arimo u gaar ah ayey iyana uga baaqdeen, sidaas darteed kooxda Duulista oo iyadu kaalinta labaad tartankan ka gashay ayaa booskaas buuxisay, laakiin nasiib daro ilaa hadda tartankii lama qaban.

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciyaaryahan Gofindha Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay Inuu Wasaaradda Ciyaaraha Baabi’iyo

Paul Pogba Oo Waajahaya Ganaax 3 Kulan Ah

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com