Modric iyo Sergio Ramos Oo Ciyaari Doona kulanka Classico Ee Barcelona

Modric

Modric

Macallinka Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyey in laacibka Luka Modric iyo Sergio Ramos labaduba ay ka maqnaan doonaan kulanka Sabtida ee Atheltico Bilbao hase yeeshee ay diyaar noqonayaan ciyaarta Barcelona ee qorshaysan 22ka March.

Luka Modric ayaa ciyaari doona kulanka Schalke ee Salaasada toddobaadkan iyadoo uu Ramos ka dambayn doona muddo hal toddobaad ah.

Soo laabashada Modric ayaa farxad weyn u ah Real Madrid oo muddooyinkii u dambeeyey la daalaa-dhacaysay qaab ciyaareed liita iyo khadkeeda dhexe oo diciifay, taas oo keentay in weerarkuna awoodi kari waayaan in ay goolal dhaliyaan.

Haddii uu Modric ku soo laabto ciyaaraha kulanka Schale ee Salaasada, waxa kooxdaas laga saari doonaa oo aan kulankaas fursad u heli doonaan Odegaard oo haddii uu helo fursad noqon doona ciyaartoyga ugu da’da yar ee abid safta tartanka Champions League.

Ramos ayuu tababare Ancelotti sheegay in uu tababarka ku biirayo Axadda oo uu kooxda si toos ah ula qaadan doono tababarka, toddobaad ka bacdina uu si rasmi ah garoomada ugu soo noqon doono.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Basile: Messi waa mucjiso xataa haddii aanu koob aduun qaadin

Messi, Henry, Kaka iyo Ronaldo oo ka mid noqday kooxda Riyada ee Ronaldinho

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com