“Mohamed Salah Caloosha Ayuu Timo Ku Leeyahay” – Chamberlain Oo Kashifay Ceebaha Mohamed Salah

Laacibka khadka dhexe ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ka sheekeeyey qisooyinka u qarsoon xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah iyo Roberto Firmino.

Chamberlain oo ka mid ahaa saddex ciyaartoy oo ka tirsan Liverpool oo lagu casuumay xayeysiiska shirkadda Nivea ee dharka raggu xidhaan, ayaa waxa uu ka jawaabay su’aalo xasaasi ah iyadoo ay hareero taagan yihiin Joe Gomez iyo JJames Milner.

Dhawr su’aalood oo intii xayeysiisku socday la weydiiyey Chamberlain oo 24 jir ah iyo Gomez, waxay kaga jawaabeen ereyo dadku in badan sii hadal hayn doonaan.

Mar la weydiiyey ciyaaryahanka ugu timaha badan leh ee Liverpool u ciyaara, waxa jawaabta la booday Joe Gomez, waxaanuu yidhi: “Waxay ila tahay in qof walba uu qiyaasi karayo iyadoo lagu sallaynayo gadhkiisa, waana Mo,” Sidaas waxa yidhi Gomez.

Gomez oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Isagu (Mohamed Salah) xabbadka / shafka xoogaa timo ah oo hoos u soconaya ayuu ku leeyahay”

Markaas kaddib waxay su’aashu kusoo wareegtay Chamberlain oo isaguna ku jawaabay: “Mohamed Salah, hubaashii, waa wada timo. Jidhkiisa oo dhan waa timo, caloosha timo ayuu ku leeyahay iyo meelo oo badan.”

Joe Gomez oo la weydiiyey ciyaaryahanka jidhkiisa daawada, waxa uu tibaaxay inuu yahay Chamberlain oo marar badan maalintii muraayadda hor istaaga, hase yeeshee, Chamberlain oo isagana la weydiiyey inuu fikirkaas la qabo, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Firmino ayaan muraayadda ka hor dhaqaaqin. Timihiisa ayuu ku mashquulaa.”