Mohamed Salah Oo U Duulay Liverpool

Xiddiga xulka qaranka Masar iyo Roma ee Mohamed Salah ayaa u duulaya waddanka Ingiriiska, halkaas oo maalinta Salaasada ah uu baadhitaanka caafimaadka u mari doono Liverpool.

Labada kooxood ee Liverpool iyo Roma ayaa ka heshiiyey lacagta ay ku kala iibsanayaan laacibkan orodka badan, taaas oo dhan €40 milyan oo ay la socoto 5 milyan oo kale oo Roma ay heli doonto haddii uu Salah qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigo.

Liverpool ayaa kor u qaadday lacagta ay ciyaartoygan ku doonaysay oo markii hore dhamayd €32 milyan, taas oo ay Roma ka diidday, hase yeeshee, aakhirkii waxay Reds ku khasbanaatay inay aqbasho bixinta lacagta ay kooxda caasimadda Talyaanigu doonayso.

Warbaahinta waddanka Masar ayaa xaqiijiyey in laacibkoodu uu ku biirayo Liverpool, waxaanay badi wargeysyada waaweyn boggooda ciyaaraha si weyn ugu baahiyeen in Salah uu yahay ciyaartoy Liverpool ah.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa Salah uu u noqonayaa ciyaartoygii koowaad ee uu heshiis la galo, waxaana uu ka garab ciyaarsiin doono Coutinho, Mane iyo Firmino, isagoo booska kala bixi doona Origi iyo Sturridge.

Liverpool ayaa wali aan ku guuleysanin dhawr ciyaartoy oo kale oo ay raadinaysay oo khadka dambe ee difaaca ka ciyaara, hase yeeshee toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa in naadigu isku xoojiso sida kooxaha kale ee la tartamaya.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ronaldo Oo Shuruud Doqoniimo Ah Ku Xidhay Sii Joogista Real Madrid

Isbeddel Lagu Samaynayo Wakhtiga Ciyaaruhu Soconayaan – U Diyaar Garow 30 Daqiiqo Oo Kaliya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com