3:16 pm - Wednesday January 20, 7249

Juventus Oo Markii 1 aad Tan iyo 2003-dii U Gudubtay Semi Finalka Champion-ka

402 Viewed Aidarous Comments Off on Juventus Oo Markii 1 aad Tan iyo 2003-dii U Gudubtay Semi Finalka Champion-ka

Kooxda Talyaaniga ah ee Juventus ayaa markii koobaad tan iyo sanadii 2003 u gudubtay semi finalka horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, kadib markii ay barbaro ku kala baxeen Monaco ciyaartii is araga labaad.

Hogaamiyaha horyaalka Seria A, oo sidoo kalena Finalka u taagan koobka koobabka Talyaaniga ee Italian Cup oo ay isku wajahi doonaan Lazio, ayaa guusha ku qaadatay 1-0 kii ay ciyaartii hore ku soo badisay ee uu u dhaliyey Arturo Vidal.Juventus oo iska xaadirisay semi finalka 1

Kooxda loo martida ahaa ee Monaco ayaa ciyaarta inta badan iska maamulanaysay, laakiin hadana tiro kooban oo kaliya ku gantay dhinaca goolwade Gianluigi Buffon.

Naadiga lagu naanayso “Cajuusada’ ayaa noqonaysa kooxdii ugu horeysay ee Talyaani ah ee gaadha Semi Finalka horyaalka Yurub tan iyo markii ay koobkan ku guuleysatay Inter Milan sanadii 2010 kii.

Isku aadka afarta kooxood ee isu soo hadhay ayaa la samayn doonaa maalinta Jimcaha ah, iyadoo Bayern Munich, Barcelona iyo Real Madrid ay yihiin saddexda naadi ee kale ee iyaguna ku weheliya Juventus.Juventus oo iska xaadirisay semi finalka 3 Juventus oo iska xaadirisay semi finalka 2

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Alonso: Nasiib Wacan Ayaan U Rajeynayaa Real Madrid, Waa In Ay Soo Baxdo

Real oo ugu gudubtay semi Finalka Champions League gool Uu Dhaliyey Ciyaaryahanka Kaydku Daashaday ee Hernandez

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com