5:27 pm - Thursday July 27, 2017

Tottenham Oo Ka Hadhay Tartanka Champions League

Aidarous

tottenham

Kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Tottenham ayaa ka hadhay tartanka Champions League kaddib qaab ciyaareed liita oo ay ku soo bandhigtay garoonka Stade Louis II ee Monaco.

Gool madax ah oo uu bilowga qaybta dambe ka dhaliyey Djibril Sidibe iyo laba gool oo kale oo shan daqiiqo gudaheed ay iska dhaliyeen ayaa hawada ku daray rajadii Tottenham ee tartanka Champions League, taas oo ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Monaco oo gurigeeda lagu ciyaarayey.

Harry Kane ayaa daqiiqaddii 52aad gool rikoodhe ah u dhaliyey Tottenham markii khalad lagu galay Dele Alli, ciyaartana ka dhigay barbar dhac, laakiin isla daqiiqaddii xigtay ayaa uu laacibka Thomas Lemar goolka labaad u dhaliyey Monaco.

Tottenham waxay guuleysatay hal ciyaar oo kaliya shan kulan oo Champions League ah, waxaanay saddex dhibcood ka hoosaysaa Bayern Leverkusen oo leh 7 dhibcood kaalinta labaadna ku jirta, kulankeeda u dambeeyana waxay la ciyaari doontaa CSKA marka ay taariikhdu tahay 7 December, laakiin xattaa haddii ay Tottenham badiso, waxa si toos ah u gudbaysa Bayern Leverkusen oo ciyaartii ay labadoodu wada yeesheen midna guuleysatay, kulanka kalena barbar la gashay.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
aurier

PSG Difaacyahankeeda Serge Aurier Oo Dalku-galkii Ingiriiska Loo Diiday Kahor Ciyaarta Arsenal

Leicester City Oo Iska Xaadirisay Wareegga 16-ka Ee Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: