Morata Iyo Kovacic Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada Real Madrid

Farxaddu way ku yartahay Zinedine Zidane maadaama walaac kale iyo werwer uu kala kulmay ciyaarihii xalay dhex maray waddamada qaarkood, gaar ahaan kulankii Spain iyo Macedonia.

Weeraryahanka Alvaro Morata oo afka hore uga ciyaara Real Madrid ayaa xalay dhaawac uu ka gaadhay lugta midig markii lagu soo noqday qaybta dambe ee ciyaarta, taas oo kelliftay in tababaraha xulka Spain uu garoonka ka saaro.

Inkasta oo la sheegay in dhaawaca Morata aanu halis ahayn, haddana marka la eego ciyaarta adag ee ku soo fool leh Real Madrid ee toddobaadka dambe ay isku haleeli doonaan Atletico Madrid, ayaa waxa ay noqonaysaa culays hor leh oo ku soo kordhay tababare Zidane oo maalin ka hor uun helay war kale oo naxdin leh oo ah in dhaawac dartii uu Kovacic ugu ciyaari kari waayey xulka qaranka Croatia.

Labadan ciyaartoy ayaa ku biiraya waadhka ay jiifaan bukaanka Real Madrid ee lugaha loo wada galay, kaas oo ay sii yaalleen, Sergio Ramos, Pepe, Kroos, Casemiro iyo Benzema.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wariye Afka U Dhacay

Waxaan Daawaday Ciyaar Socotay 125-Sannadood!!!!

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com