‘Morata wuxuu rabaa Juventus – ee ma rabo Madrid’

Wakiilka ciyaaryahan Alvaro Morata ayaa sheegay in aanu laacibkaasi diyaar u ahay ama xiise u qabin ku noqosho kooxda Real Madrid uu ku noqdo , balse uu damacsan yahay inuu sii kordhiyo horumarinta uu ku samaynayo kooxda Juventus.Morata alvaro with tevez

Laacibkan 22 jirka ah oo xagaagii ina dhaafay ugu wareegay kooxda ka dhisan Magaalada Turin, qiime dhan €20 million, ayaa sanadkii koobaadba siweyn ula qabsaday kooxda , isagoo u dhaliyey 7 gool 22 ciyaarood oo uu saftay.

Kooxda Real Madrid ayaa haysata hal dariiq oo ay kula noqon karto ciyaaryahankeeda , balse wakiilkiisa ayaa tilmaamay inaanay jirin sabab alla sabab ay ku suurto gallayso in lagu qanciyo xidigan inuu dib ugu noqdo Santiago Bernabeu.

“Markaynu eegno xaaladu siday imika tahay, wax kastaa waxay u salaxan yihiin kooxda Juventus oo gacanta ugu jiraan dhamaan ciyaaryahanada muhiimka ah ee uu kamidka yahay” sidaas ayuu Beppe Bozzo ku yidhi warfidiyaha Tuttosport.

“Morata wuxuu ku faraxsan yahay Juve, wax kale oo uu ka fikirayaana ma jiraan. Arimuhuna waxay ku xidhan yihiin waxa uu ciyaaryahanku doonayo. Go’aankiisuna waa kii uu Real Kaga tagay sanad kahor ayuu wali taagan yahay.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Morocco Oo Laga Qaaday Xayiraadii Tartamada Afrika CAF Ka Saartay

Lukaku ayaa ka wanaagsan Diego Costa – dhawaana waxaan u wareejin doonaa Koox Weyn

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com