Uruguay Oo Rigoodhe Cavani Dhaliyey Kaga Badisa Morocco

Edinson Cavani kubad rigoodhe ahayd oo uu shabaqa ku ruxay ayaa u horseeday in xulka Uruguay 1-0 kaga dul talaabsado qaranka Morocco ciyaar saaxiibtinimo oo labada qaran ku dhex martay Sabtidii wadanka Woqooyiga Afrika ku yaala.Morocco 0-1 Uruguay dirq
Xulka reer Latin America oo ku jira wali is diyaarinta koobka Copa America ayay guushani u noqonaysa mid wax ku ool ah.

Karim El Ahmadi iyo Nordin Amrabat ayaa labaduba ku dhawaaday inay goolal u dhaliyaan Morocco ka hor intii aanu birtaba kubad ku dhufanin Ciyaaryahan Abderrazak Hamdallah.

Morocco 0-1 Uruguay dirLaakiin waa nasiibe waxaa hadana hogaanka qabtay xulkii martida ahaa kadib markii qaybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 51 aad rigoodhe loo dhigay uu shabaqa ku ruxay Cavani, ciyaartuna waxay ku dhamaatay 1-0.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Talyaaniga Oo Dirqi Kaga Badbaaday Bulgaria

Argentina oo Bilaa Messi Ku Garaacday El Salvador

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com