Morocco Oo Laga Qaaday Xayiraadii Tartamada Afrika CAF Ka Saartay

Maxkamada dhex-dhexaadinta ciyaaraha ee magaceeda loo soo gaabiyo (CAS -The Court of Arbitration for Sport) ayaa ka dul qaaday Morocco – ganaaxii ka qayb galka labada koob Afrika laga mamnuucay ahaa ee xidhiidhka Afrika Saartay.Morocco oo laga qaaday xayiraadii Koobka Afrika

Qarankan ku yaala woqooyiga qaarada Afrika ayaa hore looga mamnuucay ciyaaraha koobka Afrika ee sanadaha 2017 iyo 2019 ka isla markaana la dul dhigay ganaax lacageed oo dhan hal milyan oo dollarka Maraykanka ah (£675,000) kaas oo uu saaray xidhiidhka kubada cagta Afrika, waxa kale oo lagu xukumay bixinta £6m oo magdhaw ah, kadib markii ay diideen qabashada tartankii Afrika ee dhawaan dhamaaday sababo fiditaanka xanuunka Ebla la xidhiidha awgeed.

CAS ayaa sheegtay inay ganaaxaas labada tartan ah ka dul qaaday, magdhawgana fadhi dambe oo maxkamadu yeelanayso lagu qiimayn doono , halka ganaaxii halka Milyan ahaa ay ka yaraysay kana dhigtay £33,700.

Xidhiidhka Afrika oo sidoo kale ku xukumay xidhiidhka Morocco inuu bixiyo magdhawga £6.07m (Lix milyan oo giniga ingiriiska ah) , waxay CAS oo ah maxkamada ugu saraysa ee Ciyaaruhu leeyihiin aduunka ahi xustay, in qareeno maxkamada ka socda ay qiimaynayaan inta uu leeg yahay khasaaraha ka dhashay diidmadii Morocco ee qabashada tartanku.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Ronaldo, Bale iyo Odegaard Oo Ku Kulmay Tababarka Madrid Isugu Diyaarinayso Ciyaarta Granada

‘Morata wuxuu rabaa Juventus – ee ma rabo Madrid’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com