1:33 pm - Wednesday June 28, 2017

Mourinho: Chelsea Rajo Uguma Hadhin Ku Guulaysiga Horyaalka

Aidarous

Chelsea oo Rajo DhigtayJose Mourinho ayaa rumaysan in guuldaradii Crystal Palace ka lumisay Chelsea  “Fursadii” ku guulaysiga horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Gool uu iska dhaliyey John Terry ayaa naadiga the Blues u horseeday guuldaro 1-0 ah oo ay kala soo noqdaan garoonka Selhurst Park , wallow ay kaalinta koowaad wali ku fadhidona, hadana kooxaha Liverpool iyo Machester City oo kulamo baaqi ahi u hadhsan yihiin ayay gacanta ugu jirtaa hogaamintu haddii ay badiyaan ciyaarahaas hadhaaga u ah.

Markii ciyaartu dhamaatay, tababare Mourinho wuxuu carabka ku adkeeyey in guuldarada ay kala kulmeen ciyaaryahanada tababare Tony Pulis, kooxda Crystal Palace-na u ahayd rajo abuur fiican, Chelsea-na ay meesha ka saartay rajadii ay ka qabeen inay markii koowaad tan iyo 2010 kii , hantiyaan horyaalkoodii koowaad.

“Waxay ila tahay inaanu luminay fursadii aanu horyaalka hogaankiisa ku noqon lahayn,” Ayuu ku yidhi barnaamijka BBC Radio 5live. “Imika waxaanu dhursuge ka nahay ciyaaraha kale ee dhacaya oo aanu natiijadooda ku xidhanahay.

“Laakiin maanta waxaanu luminay saddex dhibcood, waxaa naga guulaystay koox naga fiicnayd xag dedaal iyo mid maskaxeedba. Naftayada ayuunbaanu eersan karnaa.

“Waxay ila tahay inay u qalmeen guusha. Waxaanu abuurnay fursado badan. Gool-haye-hoodu wuxuu badbaadiyey fursado goolal noqon karayay. Runtiina waxaanu fursadaha fiican helaynay oo fiicnayn qaybtii hore ee ciyaarta.

“Laakiin dedaalkooda, dedaal iyo guuldoon hamuuni hagayso ayaa awooda hellay, waanay u qalmayeen guusha.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Manchester United Oo Kabaha La Dul Martay Aston Villa, Mata Oo Jabiyey Dayrkii Kaga Gudbanaa Goolka Iyo Diyaayad Canaan u sidda Moyes Oo Garoonka Dul Martay

Kaka Oo Sheegay Inuu Ku Biiri Doono Kooxaha Maraykanka Ee Horyaalka MLS

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: