Mourinho: Chelsea Waa La Nacay, Waayo Waa Lagu Caajisay

Ciyaartooyada Chelsea oo mudaharaad ku samaynaya garsooreTababaraha Chelsea, Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa la neceb yahay isla markaana lagu weeraro baraha bulshada, sababtoo ah waxa lagu caajisay hoggaanka ay hayso muddada dheer.

Baadhitaan ay sameeyeen kooxda la-dagaallanka takoorka ee KICK IT OUT, ayaa waxa ay ku ogaadeen in Chelsea ay tahay kooxda loogu neceb yahay, isla markaana lagu weeraro bulshada bulshada marka la eego kooxaha kale ee premier League.

134,400 jeer ayaa aflagaadooyin loo geystay Chelsea, waxaanay 20,000 ka mid ahi ahaayeen intii u dhexaysay August iyo March.

Mourinho oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa waxa uu sheegay in sababtu ay tahay in kooxdiisu ay si caajis ah u ciyaarto.

“Waxay ila tahay in la nagu caajisay, waayo illaa bilowgii horyaalka kaalinta koowaad ayuun baanu fadhinay, waana arrin aanay dadka dalkani jeclayn.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho.

“Qof waliba wuxuu jeclaan lahaa in Premier League uu ahaado sida Championship, isla markaana loo qaybiyo min afar kooxood iyo dhibco dhawr ah.” Ayuu yidhi Mourinho.

Mourinho waxa kale oo uu ka hadlay tababarihii Borussia Dortmund ee Jurgen Klopp oo toddobaadkan shaaciyey in uu ka tegayo Dortmund bisha June, waxaanu Mourinho sheegay in aanu garanaynin meel uu tegayo laakiin kaliya uu og yahay in aanu iman doonin Chelsea.

“Waxa kaliya ee aan ka ogahay waa in aanu imanaynin Chelsea, isagaana si shakhsi ah iigu sheegay” ayuu yidhi Mourinho.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sirta Guulaha Chelsea Oo La Shaaciyey iyo U Diyaar-garowga Mananchester United

Mario Balotelli Oo La Kulmay Cunsuriyad & Caydii Ugu Badnayd Iyo Rodgers Oo Difaacay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com