Mourinho Criticizes fers on Hazard: Hala Ilaaliyo Hazard

mOURINHO OO KU DHEX DHACAY

Tababaraha kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa ku canaantay garsooreyaasha in aanay qaadin tallaabooyinkii ku habboonaa marka khalad lagu galo weeraryahanka kooxdiisa, Eden Hazard.

Mourinho waxa uu u sheegay garsooreyaasha in ay kaadhadh badan oo Huruud ah siiyaan ciyaartooyada khaladka ku gala Hazard si ay uga waantoobaan in ay xanaaqad ku sameeyaan marka uu kubadda ciyaarayo.

Laacibkan reer Belgium ayaa noqday ciyaartoyga khaladka ugu badan lagu galay Premier League iyo Champions League sannadkii tegay, isagoo lagu abaal-mariyey 16 laad oo uu ku ganay kooxda ka soo horjeeda kadib markii ay khalad ku galeen isagoo kubadda kula ordaya dhinaca goolka kooxda ka soo horjeedda ciyaartii Paris Saint-Germain iyo Chelsea ee toddobaadkii hore.

“Waan ogahay in uu Hazard yahay ciyaartoyga loogu khaladka badan yahay laakiin waxay ahayd in kaadhadh lagu abaal mariyo kuwa ku khaldama.

“Caadiyan marka 100 khalad lagu galo, waxay ahayd in celcelis ahaan tiro kaadhadh Huruud ah ay helaan kuwa ku khaladamay. Haddii uu yahay laacibkii loogu khaladka badnaa, waxay ahayd in huruuddii ugu badnaydna la siiy kuwii ficilka xun kula kacay” sidaa waxa wariyeyaal u sheegay tababare Mourinho.

“Garsooreyaashu waa in ay fahmaan in mararka qaarkood khaladaadka yaryari ay khaladaad waaweyn yihiin marka la eego ciyaarta, khaasatan marka aad eegto ciyaartoy goolka kale ku dhow.” Ayuu raaciyey.

Tababare Jose Mourinho waxa uu u soo jeediyey in ay garsooreyaashu taxadar ka muujiyaan khaladaadka lagu galo ciyaartooyada, si gaar ahna ay isha ugu hayaan Hazard.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Modric iyo Coentrão Oo Ku Soo Laabtay Real Madrid

Manchester City Oo Soo Koobtay Faraqii Dhibcaha Chelsea

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com