Mourinho: Hazard Wuxuu La Tartamayaa Ronaldo Iyo Messi

Tababaraha kooxda Chelsea ayaa sheegay in weeraryahanka kooxdiisa ee Edin Hazard uu la meeqaam yahay xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo toddobadii sannadood ee u dambeeyey kala qaybsaday abaalmarinta xiddiga adduunka, isla markaana ah hoggaamiyeyaal guulo badan gaadhsiiyey kooxahooda iyo waddamadooba.

Mourinho waxa uu tilmaamay in Hazard uu isaguba ogyahay in uu ka mid yahay saddexda ciyaartoy ee dunida ugu wanaagsan taas daraadeedna ay jirto masuuliyad badan oo saaran oo laga sugayo in uu ka soo baxo.

Mourinho oo warbaahinta la hadlay isaga oo faraxsan ayaa waxa uu yidhi: “Da’diisu way yartahay, waana xaasle og in uu ka mid yahay saddexda ciyaartoy ee dunida ugu wanaagsan. Masuuliyad ayaa saaran, waanan ku kulasoonahay in uu ka soo bixi doono.”

Mourinho Waxa uu Hazard u calaamadiyey xiddiga Premier League ee sannadkan, waxaana uu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya: “Haddii caddaalad la doonayo wuxuu noqonayaa xiddiga ugu fiican Ingriiiska ee PFA.” Ayuu yidhi.

Mourinho waxa kale oo uu tilmaamay in uu haysto ciyaartooyo badan oo wanaagsan, hase yeeshee aanay jirin cid la babar dhigi karo Hazard oo Chelsea ku sugan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Yaabka Spain: Getafe Waxay Haysataa 11 Ciyaartoy Oo Kaliya

Sidee Ayuu Ancelotti U Buuxin Doonaa Booska Bale iyo Modric?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com