Mourinho Muxuu Dhegta Ugu Sheegay Weeraryahanadiisa Markii Ay Ku Jireen Dabaaldegga Goolkii 2aad ?

Tababaraha kooxda Chelsea ayaan isagu dabaaldeg samaynayn markii uu goolka labaad ee guusha dhaliyey Ba , wakhtigaas oo uu dhex boodayay ciyaaryahanada, isagoo qaar badan oo kamid ah dhegta u saaray hadal xan ah, kulankii Habeenimadii Arbacada ay ka adkaadeen PSG.

Mourinho oo ordaya mourinho orodkiiiiMourinho ayaa sidaas laftiisu qiray oo sheegay inaanu dabaaldegayn laakiin uu weeraryahanadiisa u sheegayay talaabada taas xigta ee ay ku dhaqaaqi doonaan.

Macalinka Chelsea ayaa la arkayay isagoo ordaya si uu u gaadho ciyaaryahanadiisa oo isdul fuulay farxad darteed goolkii uu Demba Ba dhaliyey ee guusha u horseeday The Blues, si uu tallo muhiim ah oo aanu u wada sheegi karin mararka kale , markan ula tiigsado.

Mar la weydiiyey, waxaa uu qabanayay Mourinho , wuxuu ku jawaabay : ‘Maan dabaaldegaynin. ee waxaan doonayay inaan u sheego Fernando iyo Demba is bedelka ay tahay inaanu samayno, maxaa yeelay saddex daqiiqo oo lagu daraa hallisteeda ayay lahayd .’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chelsea Iyo Madrid Oo Si Dirqi Ah Ugu Gudbay Semi-Finelka Horyaalka Yurub

FIGO : Kooxaha Talyaanigu Waa Inay Wax Ka Bedelaan Aragtidooda Koobabka Yurub

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com