11:41 pm - Thursday July 27, 2017

Mourinho Oo Difaacay Fellaini Oo Rikoodhe Ku Keenay Manchester

Abdiwahab Ahmed

Baraha bulshada waxaa lagu eedeynayaa Ciyaaryahanka kooxda Manchester United ee Fellaini, kaas oo sabab u ahaa  in kooxdiisa barbardhac ay gasho.

Fellaini ayaa bedel ku soo galay daqiiqadihii ugu dambeeyay, waxaana loo keenay inuu difaaco Manchester si kullanka ay u badiyaan.

Mourinho ayaa si weyn ugu baahnaa inuu kullankaasi badiyo si dhibco ay u helaan oo ay ugu soo dhowaadaan kooxaha hogaanka haya.

Laakiin Everton ayaa gool ku laad heshay ka dib markii Fellaini uu lugta kaga istaagay Idrissa Gueye, sidaas ayeyna ku baaba’day fursadii Man United, waxayna ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah, taas oo niyad jebisay taageerayaasha Manchester United.

Macallim Mourinho waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciyaaryahanka khadka dhexe Maroune Felaini uu ku keenay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta, waxaanu sheegay in ay iska caddahay sababta uu Felaini u keenay taas oo ah inuu yahay qof dheer iyo weerarka Everton oo xoog badnaa.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ronaldinho Iyo Gudjohnsen Oo Mar Kale Isku Koox Noqonaya

Samuel_Eto'o

Eto’o Oo Ku Waaniyey Mourinho Inuu La Qabsado Kubada Cagta Casriga Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: