Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qorshaynaysa in ay iibiso xiddigeeda Wayne Rooney, sida uu qoray wargeyska SunSport ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska.

Rooney oo ay da’diisu tahay 30 jir, ayaa waxa uga hadhsan heshiiska uu kula jiro Manchester United laba sannadood oo toddobaadkiiba uu qaadanayo £300,000, waxaana da’diisa weynaanaysa iyo culayskiisu ay ku khasbaysaa kooxda in ay raadiso beddelkiisa iyo hoggaamiye guulo badan u horseeda marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciayartoygu.

Agaasimaha kooxda ayaa sannadkii u dambeeyey aad uga shaqaynayey sidii uu usoo xero gelin lahaa Gareth Bale oo ah bartilmaameedka koowaad.

Ilo xogogaal ah oo gudaha Manchester ku sugan ayaa sheegay in Rooney uu soo bandhigay codsi ah in heshiiska loo kordhiyo, laakiin maamulka kooxdu ay dhegaha ka furaysteen.

Iluhu waxa ay intaa ku darayaan in maamulka kooxdu uu doonayo in ay sii hayaan hal sano oo kaliya, wax ka badan 12 biloodna ay tahay in la iibiyo, lacagta laga helana lagu raadiyo ciyaartoy sannado dhawr ah hormood u noqda.

Rooney oo Manchester United shaadhkeeda xidhnaa muddo 12 sannadood ah, ayaa rajaynaya in uu xirfaddiisa ciyaareed ku dhamaysto Manchester, laakiin sida ay u badinayaan wararka kooxda gudaheeda ka soo baxayaa, Kabtanka Ingiriiska ayaa kooxda ka hulleeli doona haddii xulka dalkiisu u soo baxo koobka adduunka ee Ruushka lagu qaban doono 2018.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in kooxo ka dhisan waddanka China oo lacag badan haysta ay si aad ah u doonayaan inay gacanta ku dhigaan, laakiin sidoo kale kooxaha LA Galaxy, Orlando City iyoo New York City FC ayaa dhamaantood xiisaynaya.

Rooney ayaa ay Manchester United ka soo iibsatay Everton sannadkii 2004, iyadoo ka bixisay lacag dhan £25M, waxaanu u saftay 372 ciyaarood oo uu u dhaliyey 179. Waxa uu u horseeday inay ku guuleystaan shan jeer horyaalka Premier League iyo waliba Champions League taariikhda ugu jira.