Mourinho Oo Ka Damqaday Guul-Darrooyinka Ku Hubsaday Kooxdiisii Hore Ee Real Madrid

Tababaraha kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa ka hadlay guul-darrooyinka hubsaday kooxda Real Madrid ee sababta u noqday inay ku dhacdo kaalinta saddexaad ee horyaalka.

Kooxda Real Madrid ayaa waxa labadii kulan ee u dambeeyey ay la yeelatay Kooxaha Barcelona iyo Sevila, waxaanay labadaba la kulantay guul-darrooyin qadhaadh oo sababay in hoos u dhac ku yimaaddo rajadii ay ka qabtay inay hanato horyaalka dalka Spain ee La Liga.

Guul-darrada u dambaysay ee Real Madrid soo waajahday xalay, ayaa waxay damaqday tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho, waxaanu sheegay inay tahay wax lala yaabo. “Waan yaabanahay xoogaa.. waxaan filayay in Real Madrid ay ka sare mari doonto kooxaha kula tartamaya horyaalka xili ciyaareedkan, waayo Barcelona waxay lumisay dhibco badan marka loo eego sidii ay ahayd saddexdii sannadood ee la soo dhaafay” ayuu yidhi Mourinho oo u warramay EuroSport.

Dhinaca kale, tababaraha xamaasadda badan ee Mourinho ayaa isbar-bar dhig ku sameeyay labada horyaal ee England iyo Spain wuxuuna yidhMoi: “Horyaalka ingiriisku wuxuu leeyahay afar kooxood oo ku tartamaya hanashada horyaalka, laakiin horyaalka Spain wuxuu ka dhexeeyaa laba koox oo kaliya  ama saddex kooxood kuwaas oo ay u dhexayso 2 ilaa 3 dhibicood”.

Mourinho wuxuu sheegay in sannadkan isbedel yari ku yimi horyaalka dalka Spain ee La Liga, waxaanu yidhi “Dadku waxay u barteen sanadihii u danbeeyay in tartanka horyaalka Spain uu ka dhexeeyo laba kooxood lakiin hada wuxuu noqday saddex naadi”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciyaaryahan Si Mucjiso Ah Uga Badbaaday Shil Baabuur (Daawo Muuqaalada)

Taageereyaasha Man United Oo Lacag Ku bixiyey Farriin Hawada Loo Diray Oo Ay Ku Dalbadeen In La Eryo Moyes

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com