Mourinho Oo Qiray In Kooxdiisa Awood Lagu Muquuniyey

Sir Alex oo Mourinho Iyo Chelsea booqasho kadis ah ugu tagey 1

Tababaraha kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa ka hadlay ciyaartii Champions league ee dhex martay kooxdiisa iyo PSG, taas oo ku dhamaatay barbar dhac 1-1.

Mourinho waxa uu qiray in qaybtii dambe ee ciyaarta ay kooxdiisu nasiib badan lahayd kadib markii ay PSG ku guul darraysatay in ay goolal badan ka dhaliyo iyadoo uu inta badanna mahad-naqa iska leeyahay gool-haye Courtois.

Jose waxa uu tibaaxay in qaybta hore ee ciyaarta ay kooxdiisu maamulaysay kadib markii ay PSG awoodi kari waayeen in ay jebiyaan khadka dhexe oo ay Chelsea aad ugu xooganayd, laakiin qaybta dambe ay ciyaartu isbeddeshay.

“Run ahaan, haddii ay cidi u qalantay in ay guuleysato, PSG ayaa u qalantay guusha, ciyaarta dambena way furan tahay. PSG waa koox wanaagsan, waxaanan filayaa in aanu si fiican u ciyaarnay” sidaas ayuu yidhi tababare Mourinho.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Décima Found: Koobkii Champions Ee Laga Xaday Real Madrid Oo La helay

Liverpool oo dhaawacyo Hadheeyeen ka hor Besiktas

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com