11:44 pm - Thursday July 27, 2017

Mourinho Oo Shaqo Liidata U Diray Wayne Rooney

Abdiwahab Ahmed

Way iska caddayd maalmihii u dambeeyey in booskiisa uu waayayo, waayo warbaahinta iyo dadka ciyaaraha khibradda u leh ayaa ku taliyey in Rooney aanu u qalmin in booskiisa joogtada ah uu haysto iyadoo ciyaartiisu hoos u dhacday. Tababaraha Manchester, Jose Mourinho isagoo qaadanaya talada iyo hadal-hayntii ugu caansanayd Ingiriiska toddobaadyadii u dambeeyey ee ah in kooxda laga saaro Rooney, ayaa uu kursiga kaydka geliyey, maalmo ka horna wuu u sii sheegay in aanu ciyaari doonin, laakiin intii aanay bilaabmin ciyaartii shalay, waxa uu Rooney u diray shaqo kale.

Markii ay ciyaartoygu soo galeen garoonka ee ay tababarka samaynayeen, waxa uu Rooney u dhiibay kiish ay kubbado ka buuxaan, kaas oo uu garoonka la soo galay isagoo dhabarka ku sita, kaddibna inta uu garoonka la soo dhex galay ayaa uu ciyaartoyga marba kubadda ay u baahdaan u dhiibayey.

Lama odhan karo waa bahdilaad, lagumana sheegi karo in uu kor u dallacay oo uu shaqadii tababareyaasha qayb ka mid ah hayey, laakiin waxa soo baxday in Rooney uu yahay ciyaartoy ballaadhan oo shaqooyinka tababarihiisu u diro u dhego-nugul, isla markaana ayba u muuqato in maamulka uu ku biirayoo.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wenger Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Guushii Arsenal Ka Gaadhay Chelsea

5 Arrimood Oo Laga Bartay Kulankii Real Madrid vs Las Palmas

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: