3:16 pm - Friday January 20, 5026

Mourinho Oo Sheegay In Guushu U Soo Urayso Iyo 15 Dhibcood Oo Kaliya Oo Uu U Baahan Yahay

141 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Mourinho Oo Sheegay In Guushu U Soo Urayso Iyo 15 Dhibcood Oo Kaliya Oo Uu U Baahan Yahay

Jose Mourinho ayaa ciyaartooyadiisa Chelsea u sheegay in ay u baahan yihiin in ay soo bandhigaan awood maskaxeed iyo niyad wanaagsan maadaama ay u muuqdaan in ay ku guuleysanayaan horyaalka sannadka.

Horyaalka Ingiriiska waxa hadhay dhamaadkiisa 7 ciyaarood, laakiin Chelsea waxa baaqi u ah 8 kulan, si ay xoryaalnimada sannadkan u xaqiijisana waxay u baahan tahay kaliya 15 dhibcood siddeeddaas ciyaarood, taas oo macnaheedu tahay in haddii ay badiso 5 ka mid ah ay horyaalka sannadka noqon doonto.

Mourinho oo u warramay saxaafadda ayaa waxa uu tilmaamay in waxa ugu muhiimsan ee kooxdiisa u sahli kara in ay ku guuleysato horyaalka sannadkan oo noqonaya kii u horreeyey wixii ka dambeeyey 2010, ay tahay in ciyaartooyadu ay maskaxdooda dejiyaan, awoodoodana soo bandhigaan.

“Maskaxdu waa muhiim sababtoo ah hadda waa wakhtiga wax walba la go’aamiyo, sida kooxaha dib loo celinayo, kuwa Champions League ka qayb geli doona iyo kooxda horyaalka ku guuleysanaysaba.

“Si cajiib ah ayaad u soo shaqaynayseen, toddoba, siddeed iyo sagaal bilood, laakiin wakhtigan ayay xaqiiqadu timaadaa, waa wakhtigii aanu waajihi lahayn runta ah in aanu ku guuleysanayno horyaalka.

“Markaa si aannu maskaxiyan awood u yeelanno, waa in aanu degennaano oo xaaladda weji furan ku qaabilno.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho.

Chelsea ayaa Axadda waxay u tegi doontaa QPR, kadibna garoonkeeda ayay ku martigelin doontaa Manchester United, waxa ugu xigi doonta Arsenal oo ay bishan dhamaadkeeda ku wada ciyaari doonaan Fly Emirates.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester City Oo U Xadhko Xidhatay Henderson, Wilshere & Pogba iyo Nasri Oo Ka Tegaya

Miranda Oo Ka Hadlay Xidhiidh Dhex Maray Manchester United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com