11:41 pm - Sunday July 23, 2017

Mourinho Oo Sheegay Inay Sadaqo Bixin Doonaan Haddii Ay Ka Badiyaan PSG

Abdiwahab Ahmed

MourinhoTababaraha Kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa tibaaxay in ay yartahay fursadda kooxdiisu ugu soo bixi karto wareegga Semi-finalka Champions League, kadib markii ay isku beegmeen kooxda awoodda badan ee PSG.
Tababare Mourinho ayaa wuxuu ballan qaaday in haddii ay u suurto gasho kooxdiisa Chelsea inay ka badiyaan PSG oo ay u gudbaan wareegga afar dhammaadka inay bixin doonaan sadaqo.

“Waxaan rumaysanahay in PSG ay aad ugu faraxsan tahay inay nala ciyaarto. cid waliba annaga ayay na doonaysay, markaa way ku faraxsan tahay inay annaga (Chelsea) nagu beeganto, annaguna waanu ku faraxsanahay sababtoo ah waxaanu doonaynaa inaanu la kulanno kooxaha wanaagsan”.  Sidaa waxa yidhi Jose Mourinho oo warbaahinta la hadlay, waxaanu tibaaxay inay muhiim u tahay kooxdiisa inay waajahaan kooxo awood badan si ay u tijaabiyaan halka uu gaadhsiisan yahay horumarka ciyaareed ee ay sameeyeen ciyaartooyadiisa da’yarta u badani.

Saxafi ka qayb galay shirka jaraa’id ee uu Mourinho qabtay, ayaa weydiiyey Mourinho “Waxa la sheegay in PSG ay 1 milyan oo Pound ay siinayso ciyaartooyadeeda haddii ay ku guulaystaan UEFA Champions League, idinku maxaad samayn doontaan haddii aad ku guulaysataan?”

Tababare Mourinho ayaa su’aashaas kaga jawaabay isaga oo kaftamaya “Waxa aan diyaarinayaa in aanu lacag badan bixino. Haddii aanu ku guulaysano, waxa aan bixin doonaa sadaqo”.

Kooxda Chelsea ayaa is-aragga koowaad u safri doonta wadanka Faransiiska, halkaas oo ay kula kulmi doonto PSG, halka lugta labaadna uu ka dhici doono garoonka Stanford Bridge ee ay Chelsea iska leedahay, waxaanu Mourinho aaminsan yahay in ay tani faa’iido u leedahay, maadaama kulanka dambe garoonkooda lagu ciyaarayo.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

PSG Oo Soo Saartay War Aan Farax Galinayn Chelsea

Garsoorihii Dhexdhexaadiyey Kulankii Chelsea Vs Arsenal Oo Raaligelin Bixiyey Iyo Gunners-ka Oo Rafcaan Qaatay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: