3:03 pm - Monday August 23, 5852

Mourinho oo sheegay in kooxdiisa United ay nasiib xun tahay

Abdiwahab Ahmed

Macallimka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa ay tahay tan ugu nasiibka xun horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

United waxaa shalay laga hor istaagay guul ay ka gaadhi lahayd Arsenal oo Old Trafford marti ku ahayn ka dib markii Giroud oo bedel ku soo galay uu gool ka dhaliyay daqiiqadii 89-aad.

Goolkiisa Giroud wuxuu ciyaarta ka dhigay barbardhac ka dib markii bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta uu gool Man United u dhaliyay Juan Mata.

Bareejadaasi waxay United uga dhigan tahay inay guuleysteen hal ciyaar oo keli ah, lixdii kullan ee ugu dambeysay.

Mourinho wuxuu yidhi: “Waxba kama sheegayo ciyaartoydeyda, laakiin waxaan ku leeyahay waan ka xumahay sababtoo ah waxaan dareemeynaa inaanu guul dareysanay, Arsenal na waxay dareemayaan inay guuleysteen.”

Wuxuu intaa ku daray: “Haddii aan eegno barbardhacyada aan la galnay Burnley, Stoke iyo Arsenal – waa lix dhibcood ee si fudud nooga fakatay. Haddii aan heli lahayn lixdaas dhibcood waxaan hadda ku dhowaan lahayn afarta koox ee ugu sareysa horyaalka.”

“Dhammaantayo waanu ognahay hadda inaanu nahay kooxda ugu nasiibka xun Premier League”. Ayuu sii raaciyay hadalkiisa, macallim Mourinho.

United waxay ku jirtaa kaalinta lixaad ee horyaalka, waxay sideed dhibcood ka hooseysaa kooxaha hogaanka haya ee Liverpool iyo Manchester City, seddaxaad iyo afaraadna waxaa ku jira Chelsea iyo Arsenal.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zidane: Kooxo Badan Suurto Gal Uma Aha Inay 3-0 Ku Badiyaan Garoonka Calderon

Daawo: Goolashii Cristiano Ronaldo Ka Dhaliyey Atletico Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: