11:25 am - Friday June 23, 2017

Mourinho Oo Si Xishood Ku Jiro Uga Hadlay Guuldaradii Sunderland

Aidarous

Tababaraha kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa si xishood badani ka muuqdo u hambalyeeyey garsoorihii ciyaarta laga guulaystay dhex-dhexaadinayay ee Mike Dean iyo madaxa garsoorka Ingiriiska ‘ chief Mike Riley kadib markii kooxdiisa guuldaro 2-1 ah oo ay baday Sunderland ay horjoogsatay dagaalkii ay ugu jireen hanashada horyaalka.

Kadib guuldaradaas xanuunka badnayn , goolka guushu ku raacday Sunderland oo ahaa Rigoodhe wakhti dambe loo dhigay , ayay saxaafadu weydiisay bal sida uu u arko goaanadii garsoorka iyo inay jiraan tababashooyin garsoor oo uu tirsanayaa.
Jose Mourinho wuxuu ku jawaabay : ”Afar arimood oo kaliya ayaan ka hadlayaa.

“Hambalyo aan u dirayo ciyaaryahanadayda, maxaa yeelay waxay i siiyeen waxay helli karayeen iyo waxaanay helli karaynba. Hambalyo aan u dirayo Sunderland, sababtoo ah wey guulaysteen.

“Hambalyo aan u dirayo Mike Dean, maxaa yeelay wuxuu soo bandhigay qaab garsoor aad u sareeya. Iyo hambalyo aan u dirayo Mike Riley, sababtu tahay, garsooridii ay sameeyeen intii xili ciyaareedku socday oo ahaa mid aad u fiicnaa oo suuro galliyey qaabka uu horyaalnimadu u socoto.

“Sidaas darteed, waan hambalyeynayaa dhamaan , wax kale oo aan odhanayaana ma jiraan.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Chelsea Oo Dhulka Lala Dhacay Iyo Borini Oo Ciqaabtaas Qayb Libaax Ka Qaatay

Yaya Toure: ‘Dadka qaar, Ciyaaryahanada Madowga ahi waxay la yihiin Xayawaan oo Kale…Binu Aadanba Uma Haystaan’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: