Mourinho: Real Madrid Ha Iska Illowdo Hazard, Waxna Igama Gelin Zidane

Laacibka afka hore uga ciyaara Chelsea ee Eden Hazard ma doonayo in uu ka tago koxodiisa sida uu ku dooday tababaraha kooxdaas Jose Mourinho.

Jose Mourinho ayaa digniin adag u diray kooxda Real Madrid oo la sheegay in ay dooneyso in ay heshiis la gasho laacibkan, isla markaana u sheegay in ay iska illowdo oo aanay marnaba ku fikirin in ay heli doonto.

Tababaraha kooxda heerka labaad ee Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa Arbacadii sheegay in ay kooxdiisu ay si dhow isha ugu hayso Hazard iyo qaab ciyaareedkiisa, laakiin waxa arrintan ka xanaaqay Mourinho oo gaashaanka ku dhuftay ereyada Zidane.

Mourinho oo la hadlayey wariyeyaal ku sugan London ayaa waxa uu yidhi: “hadda ayuun buu heshiis cusub saxeexay, annagoon qori madaxa kaga qabannin. Waxa uu jecel yahay Chelsea, waxa uu jecel yahay kooxdan, waxa uu jecel yahay horyaalkan. Wuxuu caddeeyey in mustaqbalkiisu uu kooxdan yahay isagoo u saxeexay heshiis aad u fiican. Ma filayo in uu doonayo in tago. Waxba igama gelin waxa Zidane laga sheegayo.” Ayuu yidhi Mourinho.

Mar la weydiiyey qiimaha ay Chelsea ku fasixi karto Hazard, waxa uu Mourinho ku jawaabay: “Waa su’aal wanaagsan. Aniga ayuun baa garanaya.”

Hazard oo u dhashay wadanka Belgium ayaa waxa uu horyaalka Premier League waxa uu ka dhaliyey 18 gool sannadkan, waxaanu caawiyey 10 gool oo kale oo ay saaxiibbadii dhaliyeen.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pfoff: “Barcelona Waxba maaha Messi La’aantii”

Everton v Manchester United: Saadaasha Line Up-ka iyo Warbixin Kooban

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com