3:16 pm - Tuesday January 20, 5131

Mourinho & Wenger Oo Bilaabay Dagaalkii Hadalka Iyo Fàbregas Oo Xuddun U Noqday

258 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Mourinho & Wenger Oo Bilaabay Dagaalkii Hadalka Iyo Fàbregas Oo Xuddun U Noqday

José Mourinho ayaa u jawaabay tababaraha Arsenal, Wenger kaas oo saxaafadda u sheegay Khamiistii in uu khalad sameeyey markii uu iska iibiyey Cesc Fabregas, waxaana Mourinho oo ka jawaabayey hadalkaasi uu sheegay in Cesc uu doonayo koox koobab ku guuleysanaysa ee aanu u baahnayn naadi ku qanacsan koob la’aan.

Fabregas ayaa ku biiray Arsenal isagoo ay da’diisu tahay 16 sannadkii 2003 isagoo ka yimid Barcelona, waxaanu markiiba ka mid noqday xiddigaha kooxdaas, isaga oo kula guuleystay FA Cup sannadkii 2005. Kadib waxa uu sannadkii 2011 dib ugu laabtay Barcelona halkaas oo saddex sannadood oo aan farxad lahayn kadib uu uga wareegay Chelsea.

Saxaafadda oo weydiisay Mourinho waxa uu ka odhanayo sababtii uu Cesc u diiday Arsenal ee uu ugu biiray Chelsea ayaa waxa uu ku jawaabay: “Kaliya waxa aan u ballan qaaday in aan dhisi doono koox uu la qabsan karo oo leh qaab-ciyaareedkiisa, oo uu ka noqon doono ciyaartoy muhiim ah. Caadiyan, mashaariicda wanaagsani waxay ku dambeeyaan koobab, isaguna intaas ayuu raadinayey. Intaas ayaan ka odhan karaa.”

Fabregas waxa uu Axadda dib ugu laabanayaa garoonkiisii hore ee Emirates iyadoo ay Arsenal iyo Chelsea ku wada ciyaari doonaan kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana laga filayaa in uu kula kulmo dareen cadho leh maadaama uu u ciyaarayo koox ay aad u neceb yihiin taageereyaasha Arsenal.

Mourinho oo ka hadlayey dareenka ay suurtogalka tahay in uu Fabregas la kulmo ayaa waxa uu sheegay in Frank Lampard oo hore ugu ciyaari jiray Chelsea aanu dhibaato la kulmin markii uu dib ugu laabtay Stamford Bridge isagoo u ciyaaraya Manchester City, sidaas oo kalena uu filayo in taageereyaasha Arsenal ay u soo dhoweyn doonaan Fabregas.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Luis Enrique Oo Soo Dhoweyn Diyaar Ula Ah Pep Guardiola

West Brom V Liverpool: Saadaasha Line Up-Ka Iyo Warbixin Kooban

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com