Mourinho: “Xili Ciyaareedka Manchester United Laguma Qiimayn Karo FA Cup-ka”

Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in kulanka Sabtida ee finalka FA Cup ay aanu noqon doonin mid  lagu qiimeeyo waxqabadka kooxdiisa ee xili ciyaareedkan dhamaaday.

Manchester United ayaa kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League, taas oo ah halkii ugu sarraysay ee ay gaadhay tan iyo xili ciyaareedkii 2012-13, laakiin haddii ay FA Cup-ka Chelsea ka qaaddo Sabtida, waxa Mourinho iyo xiddigihiisa u dhamaan doona xili ciyaareed aanay wax koob ah haysanin.

“Ma doonayo qiimayntayda aan beddelo sababtoo ah hal ciyaar, idinkuna sidaad doontaan ayaad u qiimayn kartaan” Sidaas ayuu yidhi Mourinho oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor ciyaarta finalka FA Cupka ee Sabtida.

Mourinho oo hore usoo layliyey Chelsea, waxa uu ku guuleystay 12 koob intii uu xirfaddiisa ku jiray, xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Manchester United na waxa uu gacanta ku dhigay laba koob oo kala ahaa Europa League iyo League Cup.

Mourinho waxa uu sheegay in maxkaxda guuleysigu aanay ku xidhnayn rikoodhada ama taariikhaha faynalka, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay maskaxda guuleysigu in aanay la xidhiidhin rikoodhada ama taariikhda finalada. Haddii aan daacad u hadlo, waxay ila tahay in wixii aanu hore u qabanay aanay waxba ka taraynin ciyaarta berri ama rikoodhadu aanay waxba sheegi doonin. Waxa wax tarayaa waa 11 ciyaartoy oo ka hor imanaya 11 kale, qof kastaana waxa uu isku dayayaa inuu sida ugu wanaagsan u shaqaysto.”