Moyes Oo La Eryayo Caawa Ama Berri Iyo Giggs Oo Loo Bandhigay Inuu Ka Soo FIkiro Saacado

Tababare Moyes Bustihiisu waa Dibada Caawana Hala soo Saaro Qoraalkiisee

Sida ay Shabakada Cadalool ka xiganayso warbaahinta Ingiriiska, gaar ahaan Daily Mail , Kooxda Manchester United ayaa qorshaysay inuu iska tago oo bustihiisu dibada yahay tababaraha xaalada xun ku sugan ee David Moyes isla markaana soo saari doonta qoraalka Erigiisa caawa ama Beri.

Qoyska leh naadiga United ee Reer Glazer ayaa u adkaysan waayay mashaqada kooxdu sii dhex gallayso oo ay ugu dambeysay guuldaradii 2-0 ka ahayd ee ay kala soo guryo noqdeen Everton Sabtidii, taas oo geyeysiisay kooxda inay ku dhaadhacdo kaalinta 7 aad ee kala saraynta horyaalka.

Reer Glazer iyo gudoomiyaha maamulka ee kooxda Manchester United Mr Ed Woodward ayaa go’aan ku gaadhay maadaama aan loo dulqaadan karin xaalka kooxda in loo baahan yahay isbedel deg deg ah oo lagu sameeyo taas oo ay ugu horeyso shaqada Tababarka oo loo raadiyo shaqsi cusub.

Iyadoo qorshuhu hore u ahaa in Moyes shaqada laga joojiyo dhamaadka xili ciyaareedkan , ayay saxaafada Ingiriisku sheegaysaa in Arintaas isbedel weyni ku yimid , talaabo degdeg ahna ay qaadayaan Manchester saacadaha soo socda.
Shabakada Daily Mail ayaa Tilmaamaysa in haddii la eryo Moyes , bedelkiisu diyaar yahay oo uu noqon doono, halyeyga kooxda mudada dheer ka soo midka ahaa ee Ryan Giggs.

Wararka kale ee la xidhiidha Eriga Tababare David Moyes ayaa sheegaya in Bedelkiisu ka sokow Giggs ay diiradu saaran tahay Tababarayaasha kale ee Ruug cadaaga ah sida : Tababaraha kooxda Germalka ah ee Dortmund Jurgen Klopp, macalinka xulka qaranka Holland Louis van Gaal iyo sidoo kale tababaraha kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

 Eeg Liiska Tababarayaasha Soo gaadhay Kulamada ugu Badan Semi-finalka Champion League

Dareen Kii Taageerayaasha Man City ee Warka Eriga Tababare Moyes

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com