3:01 am - Sunday June 25, 2017

Moyes Oo Ka Qayliyey Boodhka Lidiga Ku Ah Ee Diyaaradu La Dulmari Doonto Old Trafford Ciyaarta Maanta

Aidarous

David MoyesTababaraha culaysku saaran yahay ee David Moyes ayaa ku adkaystay in taageerayaasha kooxda Manchester United intooda badani ay isaga dhinicisa yihiin.

Koox kamid ah taageerayaasha Manchester United ayaa ku bixiyey aduun dhan £840, kirada diyaarad yar oo Boodh uu ku xardhan yahay qoraalka “Wrong One – Moyes Out” oo macneheedu yahay “Kaanu ku hungownay – Moyes na dhaaf” ay la dulmarto garoonka Old Trafford kulanka maanta.

Moyes, wuxuu sheegay in taageerayaashu xaq u leeyihiin inay abaabulaan mudahraad ka dhan ah, marka loo eego natiijooyinkii u dambeeyey ee kooxda, laakiin wuxuu ku nuux nuuxsaday in badi taageerayaasha naadigu ay isaga la safan yihiin , kana soo horjeedaan tabeelaha la dulmarinayo garoonka ee lagu diidan yahay joogistiisa.

“Meel kastoo aan tago , waxaan kula kulmaa taageerayaasha kooxda Manchester United oo i salaamaya ina bogaadinaya.” ayuu tababare Moyes.

“Habeen hore oo aan la cashaynayay Darren Fletcher , waxa halkaas isugu yimid taageerayaal badan oo reer Manchester United ah , oo ii yimid iguna lahaa ‘Sare u qaad , dedaalka wad , waan ognahay xaalada xun ee kooxdu ku sugan tahay xili ciyaareedkane.”

“Runtii waxay ahaayeen kuwo taageero dhab ah ii muujinayaya. markasta oo aan ku sugnahay garoonka Old traffordna waxaan arkaa wejiyo badan oo ka duwan kuwa la sheeg sheegayo.” ayuu Hadalkiisa ku daray tababare David Moyes.

Boodhka Manchester United ee diyaaradu sido

Koox taageerayaasha Manchester United ah ayaa baraha bulshadu ku kulanto ee Inter net ka ku qaybinayay , qoraalo ka dhan ah tababare Moyes , kaas oo mid ka mid ahna ay ku bixiyeen lacag ay ku kirysteen diyaarad yar oo nooca rakaabka ah , taas oo ay damacsan yihiin in iyadoo lulaysa , dhinacana uu kaga xardhan yahay , ay dul duusho garoonka Old Trafford marka ay socoto kulanka maanta ee Manchester United vs Aston Villa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Guus Hiddink Oo Loo Sii Doortay Tababaraha Xulka Holland

Manchester United Oo Kabaha La Dul Martay Aston Villa, Mata Oo Jabiyey Dayrkii Kaga Gudbanaa Goolka Iyo Diyaayad Canaan u sidda Moyes Oo Garoonka Dul Martay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: