5:34 pm - Thursday July 27, 2017

Mulkiilaha Kooxda Chelsea Roman Abramovich Oo kala doortay Diego Costa Iyo Edinson Cavani

Khadar Dirir

Ninka iska leh kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa diiday in kooxdiisu la soo saxeexato weeraryahanka kooxda Attletico Madrid Diego Costa sidaa waxaa sheegtay jariirada Express ee ka soo baxda England.

Waxaa uu Roman Abramovich door bidaya in ay kooxdiisu la soo saxeexato weeraryahanka kooxda PSG , Edinson Cavani kaas oo uu kalsooni ku qabo in uu imaan doono Stamford Bridge xagaaga soo aadan.

Chelsea ayaa muddo badan xooga saareysay saxeexa Diego Costa kaas oo toddobaadka dambe soo booqan doona galbeedka London ,laakiin ninka qaniga ah ee reer Russia ayaa aad u jecel hanaan ciyaareedka Edinson Cavani, taas oo ka dhigan in aan loo baahneyn Costa.

The Blues ayaa hore ugu fashilantay saxeexa Cavani, laakiin hadda Roman Abramovich wuxuu aaminsan yahay in uu xiddigan ku heli karo £54m. Filippo Ricci oo ah wakiil wareedka Gazzetta della Sport ee Spain ayaa isna aaminsan in Costa uu ku sii nagaan doono Spain marba haddii ay Chelsea u weecanayso Cavani.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Dagaalka Ibrahimovic iyo Silva oo kor u qaaday Damaca Barcelona

Thiago Silva oo sababay inay baaqato xafladii dabaal degga horyaalka Ee Paris Saint-Germain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: