Muller: “Bas ayay Porto Nagu Hor Jartay”

Porto oo ceebaysay Bayern 10Weeraryahanka Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa hambalyeeyey shaqadii ay qabteen difaacyahannada kooxda FC Porto oo ay u maare waayeen in ay goolal ka dhaliyaan.
Muller ayaa waxa uu sheegay in Porto ay bas ku hor jartay goolkeeda, isla markaana ay ku adkaatay in ay ka gudbi karaan baskaas si ay goolka u gaadhaan.
“Qof waliba wuu garanayaa in aanaan si fiican u bilaabin ciyaarta, laakiin markii ay maraysay 2-0 ayaanu hagaagnay oo aanu ka dhignay 2-1. Maanaan siinin wax fursado ah illaa madaxii ka yimid laagii dhinaca midig ka hor intii aanu haafka hore dhamaanin. Wakhtigii nasashada, waxaanu filaynay in aanu si fiican u ciyaari doono, laakiin Porto shaqo fiican ayay qabatay, bas ayaanay ku jartay goolkooda hortiisa. Niyadjab ayay noqonaysaa in aanu awoodi weynay in aanu ciyaarta dejino, dagaal badan iyo khaladaad badan ayaa ka dhacay khadka dhexe.” Sidaas ayuu yidhi Muller.
Muller waxa uu sheegay in uu rajo fiican ka qabo in kooxdiisu ay kulanka dambe ee salaasada si fiican u ciyaari doonto, isla markaana iyaga oo kaashanaya taageerada taageereyaashooda ay ku dedaali doonaan in ay ku badiyaan 2-0, ayna ka fogaan doonaan in ay sameeyaan khaladaad kale.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Suarez: “Laba Jeer Ayaan Kubadda Ka Saaray Luiz”

Rooney Oo Sheegay In Nidaam Cusub Uu Kabtannimada Ugu Maamulo Kooxda

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com