7:27 pm - Friday August 18, 2017

Muller Oo Ka Hadlay Wixii Dhex Maray Pepe Iyo Go’aankii Garsooraha

Aidarous

Weeraryahanka xulka Jarmalka, Thomas Muller ayaa ka hadlay wixii dhex maray isaga iyo difaacyahanka reer Portugal kulankaas oo 4-0 lagu garaaxay xulka uu hoggaaminayay Cristiano Ronaldo.

Marka la bixiyo kaadh casaan ah ee la siiyo ciyaaryahan magac leh, sababtuna ay tahay inay isku dhaceen, waxa soo baxa dhalleecayn iyo cambaarayn loo jeediyo ciyaartoyga sababta u noqda casaanka in la siiyo ciyaaryahanka kale. Isaga oo taas ka hortegaya ayaa waxa markiiba afka kala furtay Muller oo sheegay in aanu ga
rsooraha ciyaarta ku hoggaaminin in uu casaan siiyo Pepe.Germany oo

“Waxaan jecelahay inaan Tv-ga dib uga daawado (wixii dhex maray Pepe), waxaanan rajaynayaa in dhinacayga ay caadi noqoto. Anigu waxaan dareemay in hidh laygu dhuftay, waanay dhacday taasi” ayuu yidhi Muller.

“Intaa kaddib wixii dhacay anigu si sax ah uma sheegi karo, waxaanse rajaynayaa in a
anay akhlaaq darro noqonin. Maan doonaynin inaan buunbuuniyo shayna laakiin boqolkiiba boqol ma garanayo sida ay xaaladdu noqotay” ayuu raaciyey.

Muller waxa kale oo uu ka hadlay sida uu ula dhacsan yahay bandhig-ciyaareedka qarankiisu ku bilaabay koobka adduunka ee sannadkan, khaasatan wuxuu taabtay goolashii uu dhaliyey, waxaanu yidhi “In aad saddex gool kulanka ugu horreeya ka dhaliso koox sidan oo kale u adag, way wax qurux badan, midiba mid bay ka qurux badan tahay.

“Anigu mar hore ayaan galay diiwaanka adduunka kubadda cagta, waana afar sannadood ka hor, mana ihi nin baqda”.

muller iyo pepe wixi muller iyo pepe Muller pepe muller vs pepe t Muller vs pepe

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Ghana 1-2 USA

USA Oo Goolkii Ugu Degdega Badnaa Taariikhda K-Aduunka Kaga Adkaatay Ghana

Belgium oo Durduro Ku Dhaafay Algeria

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: