3:03 pm - Sunday August 23, 9305

Munich Oo 54 Ciyaarood Kadib Dhadhamisay Qadhaadhka Guuldarada

Aidarous

Kooxda Augsburg ayaa Bayern Munich dhadhansiisay qadhaadhka guuldarada  kadib markii ciyaar la isku naf baxay oo ka dhacday garoonka  naadiga Augsburg ay kooxda martida loo ahaa ku badisay 1-0.

Gool uu shabaqa dhigay daqiiqadii 31 aad ,  laacibka Sascha Moelders, ayaa ugu filaaday Augsburg inay dhegta dhiiga u darto naadiga Bayern Munich oo mudo dheer ka maqnayd safka guuldarada aadna moodaysay inay ilowday naxdintii.

Inkasta oo ay Bayern Munich hore ula carawday koobka loo tartamayo ee Bundesliga Germalka dhibcaha ay hadda leedahayna cago cagaynayaan 78 dhibcood, iyadoo ka horeysa kooxda ugu soo xigta ee Borussia Dortmund ka horeyso 20  dhibcood oo saafi ah , hadana arinta xiisaha leh ee guuldaradani ku lamaan ayaa wuxuu yahay , inaan Bayern dhinaceeda dhulka la dhigin 54 ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay ciyaartay tartanada oo dhan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Salah, Lampard iyo Willian Oo Chelsea Ku Celiyey Hogaanka Premier League

Ciyaaryahan Hore Uga Mid Ahaa Kooxda Arsenal Oo Ku Biiray Dagaal-yahanada Syria

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: