(Muuqaalo) Brazil Oo Ciyaartii Furitaanka Tuntay Croatia Iyo Neymar Oo Wacdaro Dhigay

Xulka qaranka Brazil oo ah wadanka ciidiisa lagu ciyaarayo koobka aduunka ee sanadkan ayaa qaabilay qaranka Croatia ciyaartii furitaanka koobka aduunka ee xallay ka dhacday magaalada Soa Paulo.
Gool uu kooxdiisa uun ka dhaliyey laacibka difaaca naadiga Real Madrid ee Marcelo daqiiqadii 11 aad ee ciyaarta ayaa u horseeday Croatia inay hogaanka ciyaarta qabato , hoosna uga dhaco culayskii sawaxanka taageerayaasha Brazil ee soo buux dhaafiyey Garoonku.
Xidiga kooxda Barcelona ayaa si cadaan ah wejiga ugaga dhuftay Luca Modric suxul , taas oo keentay inay dalbadaan ciyaaryanada Croatia in kaadh ka cas loo dhiibo. laakiin gar soorihii ciyaartu wuxuu ku abaal mariyey calaamada digniinta ah ee Huruuda , laba daqiiqo kadibna Neymar waxa u suurto gashay inuu keeno, goolkii barbardhaca daqiiqadii 29 aad ee ciyaarta.
qaybtii hore ee ciyaarta oo xaladeeda iyo xamaasadeedaba lahayd , ayaanay suurtoobin in goolal intaas dhaafsiisan la iska dhaliyo waxaana lagu kala nastay 1-1 .
Laakiin markii la isugu soo noqday qaybta labaad ee ciyaarta , waxa dhacay , dhacdooyinka dunidu ka sheekaynayso ee guusha Brazil .

Daqiiqadii 70 aad ee ciyaarta , weeraryahanka qaranka Brazil ee Fred ayaa khiyaameeyey garsoorayaasha , waxaanu isku dhex tuuray diilinta ganaaxa kadib markii kubad uu ka dhex hellay ay isku cidhiidhyeen difaaca Croatia ee Dejan Lovren, isla markaana uu is tuuray Fred , garsooraha reer Japan ee Yuichi Nishimura uu qabtay rigoodhe , kaas oo uu dhaliyey Neymar.

Daqiiqadihii ciyaarta lagu daray , ayuu Oscar u saxeexay Brazil goolka 3 aad ee guusha , kaas oo u quus gooyey Croatia, Ciyaartuna ka dhigay 3-1 Brazil ku damaashaaday

Daawo Sawiradii Ciyaarta

Brazil

Brazil oo

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

( Sawiro ) Jennifer Lopez Iyo Xulafaddeeda Oo Ruxay Xafladii Furitaanka k-Aduunka

bacary-sagna

Bacary Sagna Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Manchester City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com