Muuse Biixi vs Xasan W. Cadde: Ciyaartii Qarniga Oo Ka Dhacaysa Hargeysa

Maalinta Khamiista ee ay bisha January tahay 12, 2017, waxa magaalada Hargeysa ka dhici doonta ciyaartii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagu arko garoomada kubadda cagta intii ay Somaliland jirtay.

Ciyaartan ayaa waxa isaga hor iman doona koox metelaysa xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo koox kale oo ka kooban halyeeyadii kubadda cagta soo maray Somaliland oo uu hormood u yahay Xasan Waraabe-cadde.

Ciyaartan oo bilaabmi doonta Salaadda Casar kaddib, ayaa waxay ka dhici doontaa garoonka Ciyaar-same ee magaalada Hargeysa, taas oo iba-fur u noqon doonta ciyaaro kale oo noocaas ah oo ay kaga daydaan siyaasiyiinta kale ee waddanku.

Murashaxa xisbiga KULMIYE, Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ah siyaasiga u tartamaya xisbigaas doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo, ayaa ah xor ka ah balwadaha jaadka iyo sigaarka oo faro-baas ku haya masuuliyiinta iyo da’yarta waddanka.

Ciyaartoyga Labada kooxood:

Kooxdda KULMIYE

1. Muuse Biixi Cabdi (Kabtan)
2.  Axmed Cabdi Dheere
3.  Maxamed Ilka-case
4. Xasan Gaafaadhi.
5. Mustafe
6. Xildhibaan Obama
7 . Cabdikarim Guji
8.  Guuleed Alves
9. Maxamed-Khadar Kabadhe (Oday)

10. Xuseen Xinifo

 

Kooxda Xiddigaha (Halyeeyada)

1. Hassan Warabe Cadde (Kabtan)

2. Jamaal Cali Xuseen

3. Diri-dhaba.

4. Fu’aad Dhabbo

5. Ismaaciil Jumayka

6. Shakuur.

7. Cabdi Good Abees

8. Mustafe Carse

9. Diito

10. Maxamed Xasan Aadan (Dooli)

11. Jamaal Maxamed Xasan

12. Axmed Cismaan (Shaadhay)

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Somaliland: Sharciga Cusub Ee Xidhiidhku Soo Saaray, Sidee ayey ciyaartooyga iyo Tababareyaashu U Hirgelinayaan?

Kelly Smith: Xiddigtii Haysatay Rikoodhka Gool Dhalinta Xulka England Oo Ciyaaraha Ka Fadhiisatay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com