3:16 pm - Friday January 20, 4299

Muxuu Ancelotti Ka Yidhi Guul-Darradii Real Madrid Ku Habsatay

230 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Muxuu Ancelotti Ka Yidhi Guul-Darradii Real Madrid Ku Habsatay
single-thumb.jpg

Labada tababare ee labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ciyaartii El Clasico ee xalay lagu durduriyey Real Madrid taas oo ku dhamaatay 2-1 ay ku bariday Barcelona.

Carlo Ancelotti ayaa u sheegay warbaahinta in ciyaartu ay kala qaybsanayd oo ay labada qaybood kooxba mar maamulaysay ciyaarta, hase yeeshee ay Barcelona ka faa’iidaysatay fursadihii ay heshay.

Ancelotti waxa uu sheegay in kooxdiisu ay muddo saacad ah si fiican u ciyaaraysay oo ay garoonka ka talinaysay, walina aan la odhan karin horyaalka waxa ku guuleysatay Barcelona sababtoo ah ciyaaraha hadhay oo badan dartood.

Khabiirkan Talyaaniga ahi waxa uu difaacay khadkiisii uu kula ciyaaray Barcelona oo uu sheegay in uu xoogga saaray khadka dhexe isla markaana nidaam u dhow 4-4-2 uu ku ciyaaray hase yeeshee uu Bale marna weerarka gelayay marna difaaca ku soo noqonayay si uu u caawiyo Carvajal oo u maare waayey Alba.

“Waxay ila tahay mushkiladda na haysatay in ay ahayd mid maskaxeed ee aanay ahayn mid jidheed, ciyaartana umaanu ciyaarin sidii aanu ku bilownay” sidaas ayuu yidhi Ancelotti.

Carlo waxa uu caddeeyey in uu ka niyad jabsan yahay guul darrada kooxdiisa gaadhay kulankii Barcelona, laakiin qaab ciyaareedkoodii wanaagsanaa ee ay soo bandhigeen uu ka caawin doono ciyaaraha soo socda in ay niyad wanaagsan ku ciyaaraan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Gerrard – Anigaa Ka Masuul Ahaa Guuldarada Kooxda

Enrique Oo Ammaan Kala Daalay Suarez

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com