Muxuu Ancelotti Ka Yidhi Real Madrid v Juventus?

Tababaraha kooxda Real Madrid oo warbaahinta la hadlay markii ay soo baxday in ay semi-finalka Champions League ay kooxdiisu la ciyaari doonto Juventus, ayaa waxa uu tilmaamay in Juventus ay tahay koox weyn oo taariikh leh, isla markaana 12 sannadood oo ay maqnayd kadib soo laabatay, taas oo u harraadan in ay ku guuleysato Champions League.

“Juventus waa koox leh taariikh caan ah oo ku soo laabatay semi-finalka 12 sannadood kadib. Waxay ku jiraan sannad ay aad u fiican yihiin, sida cadna ay ku guuleysteen Italian Lueague. Taas macnaheedu waa in ay hadda diiradda ku hayaan Champions League.” Ayuu yidhi Ancelotti.

Carlo Ancelotti waxa kale oo u ka hadlay kalsooni uu sheegay in ay kooxdiisu isku qabto taas oo u sahli karta in ay garaacaan Juventus, waxaanu yidhi: “Waxa aanu leenahay rajo aanu ku rumayn karno riyadayada ah in aanu mar kale tagno finalka sidii sannadkii hore. Waxaanu u baahanahay in Real Madrid ay sida ugu fiican u ciyaarto si ay u guuleysato, waxa aanu u baahanahay isla kooxdii la ciyaartay Atletico Madrid, taas oo leh damacii iyo rejadii. Waa in aanu kalsooni badan muujino.”

Real Madrid iyo Juventus waxay kulankooda hore ku ciyaari doonaan garoonka Olimpico ee magaalada Turin ee dalka Italy, halka ciyaarta labaadna ay ka dhici doonto garoonka Bernabeu, taas ayuu Ancelotti aaminsan yahay in ay kooxdiisa faa’iido u noqon doonto.

“Taageereyaasha ayaa na caawiyey semi-finalkii Bayern Munich aanu ku garaacnay, jeji fiican ayaanay noo muujiyeen. Sidoo kale waxay na caawiyeen quarter finalka ciyaartii ka dhacday Bernabeu oo si cajiib ah ay noo garab istaageen. Wax waliba way noo hagaageen, waxaananu gaadhnay semi-finalka.” Ayuu yidhi.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Lahm: “Waa Wakhtigii Barcelona La Garaaci Lahaa”

“Barcelona Ayaa Ka Awood Badan Bayern” – Guardiola

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com