Muxuu Luka Modric Ka Yidhi Kubaddii Dahabka Ahayd Ee La Guddoonsiiyey?

 

Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ka hadlay sidii uu uga niyad jabay in dalkiisu aanu ku guuleysanin Koobka Adduunka oo Faransiisku ka qaaday, hase yeeshee waxa uu difaacay qaab ciyaareedkoodii.

Modric waxa uu tibaaxay in aanay ciyaar ahaan ka liidanin ama ka hoosaynin xulka guushu raacday France, balse ay ka wanaagsanaayeen marka la eego guud ahaan qaab-ciyaareedka kulanka oo dhan, laakiin ay jiraan waxyaabo yaryar oo go’aamiya natiijada ciyaarta.

Modric oo la hadlayey warbaahinta, ayaa waxa uu yidhi: “Ugu yaraan kamaanu liidanin France, xattaa waxa aan odhan karaa waanu ka fiicnayn.”

Modric oo la waydiiyey sida uu u arko abaal-marinta kubadda dahabka ah ee uu ku guuleystay, taas oo loogu aqoonsaday ciyaartoygii ugu fiicnaa intii uu tartanku socday, ayaa waxa uu yidhi: “Kubadda Dahabka ah? Dabcan waan ku faraxsanay maadaama ay tahay abaalmarin wanaagsan, laakiin waxa aan ka jeclaa Koobka Adduunka.”

Luka Modric ayaa noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa tartanka, halka Kylian Mbappe loo doortay ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee ugu wanaagsanaa, balse kabta dahabka ah ee gool-dhalinta ayaa la siiyey Harry Kane oo xulka qaranka England ka tirsan.