Muxuu Martin Demichelis ka Yidhi rejada Man. City ka qabto ku guuleysiga Horyaalka

Difaaca kooxda Manchester City Martin Demichelis, ayaa sheegay in kooxdiisa City ay weli rajo ka qabto ku guuleysiga horyaalka Premier League, inkastoo  ay guuldaro qaraar badan ka soo gaadhay  kooxda Liverpool.

Kooxda Manuel Pellegrini ayaa haatan waxay todobo dhibcood ah nadiif ah ka dambeysa kooxda hogaamineysa horyaalka ee Liverpool markii shalay ay garoonkeeda Anfield 3-2 kaga adkaatay kooxdan, laakiin City ayaa gacanta ku heysato laba kulan oo baaqi u ah iyadoo haddii ay kulamadaas soo adkaato hogaanka kala wareegi doonto Liverpool “Runtii kuma faraxsanin natiijadaas, laakiin waxaan ognahay inaan heysano kulamo badan waana arkii kartaa waxan waa kubadd welina waan ku guuleysan karnaa- maxaa yeelay qalad ay sameeyn karaan.” Ayay Goal.com ka soo xigatay Dimichelis “Waxaan filaa inaan guuleysan doono kulamda noo dhiman Liverpool-na ay sameeyn doono xooga qaladaas.” Ayuu Dimichelis hadalkiisa ku soo gaabiyay. City waxaa ugu dambeysay horyaalka Premier league ay ku guuleysato sannadkii 2012, iyadoo haddii ay xilli ciyaareedkan ku guuleysato horyaalkan u noqon doono kii afraad ay ku guuleysato waxayna min afar jeer la wadaadi goonta kooxda Chelsea oo iyana afar jeerka ka heysato horyaalka dalkaas.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Kooxda Real Madrid Oo war wanaagsan ka heshay Soo laabashadda Sergio Ramos

Kooxda Bayern Munich Oo xagaaga si bilaash ah ku heleysa saxeexa Sebastian

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com