Tababare Arsena Wenger ayaa telefoon u diray laacibka khadka dhexe ee Jack Wilshere maalintii uu heshiiska la gelayey Bournemouth, waxaana uu u sheegay farriin ay qariib tahay in tababareyaasha kale ay ciyaartoyga amaahda loo dirayo sii faraan.

Wenger waxa uu u sheegay Wilshere in uu qalbiga ku hayo in uu yahay ciyaartoy ka tirsan Arsenal, mustaqbal wanaagsanna uu ku leeyahay kooxdiisa, balse uu sababo la xidhiidha inuu wakhti dheeraad ah oo ciyaareed helo ugu biirayo Bournemouth.

Wilshere oo 24 jir ah ayaa heshiis amaah hal sano ah ugu wareegay Bournemouth maalintii u dambaysay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyga,  kaddib markii uu ka codsaday tababarihiisa iyo kooxdaba in loo ogolaado inuu ka tago kooxda, maadaama aanu fursad joogto ah ka helaynin.

Joogidda Mesut Ozil, Alexis Sanchez, Granit Xhaka, Aaron Ramsey iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa adkaysay fursadaha Wilshere.