Naadi Kubada Cagta Ah oo Madaxweyne Wadan Heshiis Kula Gallay inuu Khadka Dhexe Uga Ciyaaro

Madaxweynaha wadanka Bolivia, Evo Morales iyo naadiga heerka koowaad ee wadankaasi ah ee Sports Boys ayaa kala saxeexday heshiis rasmi ah oo uu kaga mid noqonayo ciyaaryahanada naadiga.

Bolivian-president-Evo-Mo-006Madaxweyne Morales oo 54 sanno jir ah ayaa sida heshiisku dhigayo, khadka dhexe uga ciyaara doona naadiga Sports oo ah koox ka dhisan gobolka koonfur bari wadanka Bolivia kaga yaala ee Santa Cruz , Una qaadan doona number 10.

evo moralesMorales ayaa u safan doona ciyaartiisa ugu horeysa , marka uu furmo tartanka heerka koowaad ee wadankaasi , bisha August. Isagoo Mushahar ahaan u qaadan doona 213 Dollarka Maraykanka ah Bishii.

moralesMario Cronenbold oo ah gudoomiyaha naadiga ayaa cadeeyey in heshiiskaasi si rasmi ah u dhex maray Madaxweynaha wadanka oo markan noqonaya ciyaaryahan xirfadle kubada cagta ah , isla markaana safan doona kulamada kooxda ee tartamada wadanka ee Seria A-da , waxaanay sheegay gudoomiyuhu in labada dhinac isku raaceen in mudane Evo Morales uu yimaado tababarka naadiga , wakhtiyada aanay u oolin shaqooyinka cul-culus ee wadanku.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
4/5 - 1
You need login to vote.

Diego Costa Oo Ilmadu Joogsan Weyday Markii Loo Sheegay Inuu Final-ka Champion ka Seegi Doono

Zidane Oo Ku Margaday Su’aal Laga Weydiiyey Ronaldo Iyo Messi

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com