Natiijo Mucjiso Ah: 23 Gool oo ka dhashay 3 ciyaarood

Ciyaarihii toddobaadkan ka dhacay horyaalka wadanka Germany ee Bundesliga waxa soo baxay natiijooyin mucjiso lagu tilmaamay kuwaas oo la iska dhaliyey goolashii ugu badnaa inta la ogyahay.

Saddex ciyaarood oo dhex maray Bayern Munich vs Humberg SV, Wolfsburg vs Bayern Liverkussen iyo Borussia Dortmund vs Mainz 05. Saddexdan ciyaarood waxa tirada goolasha ay iska dhaliyeen waxay tiradoodu tahay 23 gool.

Arrinta kale ee mucjisada noqotay waxay tahay in 13 ka mid ah goolasha ay dhaliyeen 5 ciyaartoy.

Kooxda Bayern Munich 8 gool iyo 0 ku derdertay naadiga Humberg SV, Wolfsburg waxay 5-4 ku garaacday Liverkussen, halka Dortmund ay 4-2 ku garaacday Mainz 05.

Natiijada ugu xamaasadda badnayd waxay ahayd ta ka soo baxday ciyaartii Wolfsburg iyo Liverkussen taas oo uu weeraryahanka Bas Dos uu u dhaliyey Wofsburg 4 ka mid ah goolasha guushu ku raacday, halka Liverkussen uu laacibka Son u dhaliyey 3 gool oo ka mid ah goolasha. Ciyaartii Bayern Munich ay ku derdertay Humburg, Robben waxa uu dhaliyey 2 gool, Gotz waxa uu saxeexay 2, Muller waxa uu isna shabaqa ku ruxay 2. Isu-geyn shantaas ciyaartoy waxa ay dhaliyeen 13 gool.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Inzaghi: AC Milan wey guuleysan kartaa dhamaan ciyaaraha u hadhay

Guarin iyo Shaqiri oo daan-daamiyey Atlanta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com