Netherlands 2-0 Chile: Fer & Memphis Oo Holland U Horseeday Kaalinta 1 aad Group B

Xulka qaranka Netherlands ayaa markale guul ka gaadhay kulankii gunaanadka ciyaaraha Groups-ka ee Hormada B oo ay ku hirdamayeen kooxda Chile, sidaana 9 dhibcood oo nadiif ah ugu gudbay wareega 16 ka.

Laba gool oo ay u kala dhaliyeen Leroy Fer iyo Memphis Depay qaybtii dambe ee ciyaarta , ayaa qaranka Orange u suurto galliyey inay 2-0 ku dhaafaan Chile oo kaalinta koobaad ku dagaalamaysay.

Labadan xul ayaa ahaa labada qaran ee Group B u gudbay wareega 16 ka kadib markii ay ka soo kala adkaadeen xulalka ka hadhay Group-kan ee Spain iy Australia.

Holland 9 dhibcood iyo Chile oo 6 dhibcood ku baxday ayaa sugi doona xulalka ay ku hagaagayaan wareega 16 ka oo ah kuwa koobaad iyo labaad ku soo kala bixi doona Group A.