Naadiga New York City FC ee waddanka Maraykanka ayaaa u dabaal-degay guushii uu gaadhay xiddigeeda khadka dhexe ee Frank Lampard, kaas oo dhalliyey goolkiisii 300-aad intii uu ciyaaraha ku soo jiray.

Xiddiggii hore ee Chelsea iyo Ingiriiska, Lampard ayaa intii aanay bilaabanin ciyaartii New York City iyo DC United 3-2 ee shalay waxa uu lahaa 299-gool, tan iyo markii uu ku soo biiray xirfadleyda kubadda cagta, waxaana 2-gool uu ka dhalliyey kulankan ay goolashiisu dhaafeen 300.

Frank Lampard oo da’diisu caga-cageynayso 38-sanno jir ah ayaa goolkiisii ugu horreeyay sannadkii 1999-kii u dhalliyey kooxda West Ham United, waxaana haatan ay goolashiisu marayaan 301-gool.

Ciyaartoygan khabiirka ah ayaa Bartiisa uu ku leeyahay Instagram-ka waxa uu soo dhigay Lampard ‘Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan gaadho 300 oo gool’.